Fasalka 2abaad

Qoysaska waxa ay doonayaan in ay ogaadaan waxa  canugooda uu ka baranayo iskuulka. Waxay u yihiin  canugooda macalinka ugu horeeya uguna muhiimsan. 

Waaxda waxbarahsada ee Minnesota ayaa go’aamisa  waxa canug walbo uu ka baranayo iskuulka dhamaan  xiisadaha. Hagahan waxa uu kaa caawinayaa in aad ku  fahamto heerarkaas farshaxanka luqada Ingiriiska (ELA) iyo  xisaabta. Tani waxa ay kaa caawin doontaa in aad saaxiib  la noqoto canuogaaga macalimiintiisa si looga caawiyo  waxbarashada inta lagu guda jiro fasalka labaad. 

Ka hor inta aadan bilaabin…

Ka caawi canugaada in uu ku guuleysto (uuna jeclaado) iskuulka sanadkan! Sidi ciyaarta oo kale, canugaagu ha sameeyo su’aashan onlaynka ee degdegga ah si aad u aragto sida uu ku yahay wax akhrinta iyo xisaabta.

Kadib, sahmi kheyraadkeena si aad uga hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan filashooyinka heerka fasalka ah, tusaalooyinka shaqada ardayga, iyo waxqabadyada lagu taageero waxbarashada.

Farshaxanka Luqada Ingiriiska ee Fasalka labaad

Fiiri xirfadaha uu ilmahaagu ku baran doono Farshaxanka Luuqadda Ingiriisiga, tusaalooyinka shaqada ardayga iyo sida aad guriga uga caawin karto.

Rajada Ardayda

Rajada Ardayda

Tusaale Shaqada Ardayga
First Grade students

Tusaale Shaqada Ardayga

Hawlaha lagu taageerayo Waxbarashada

Hawlaha lagu taageerayo Waxbarashada

Xisaab ee Fasalka labaad

Fiiri xirfadaha uu ilmahaagu ku baran doono Xisaabta, tusaalooyinka shaqada ardayga iyo sida aad guriga uga caawin karto.

Rajada Ardayda

Rajada Ardayda

Tusaale Shaqada Ardayga

Tusaale Shaqada Ardayga

Hawlaha lagu taageerayo waxbarashada

Hawlaha lagu taageerayo waxbarashada

La Soo Deg Hagaha

Qaababka loola hadlo macalimiinta

Xidhiidh adag oo ka dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah hubinta ardayda inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan. Ku lug lahaanshaha waalidku kaliya ma keenayso darajooyin sare iyo buundooyin imtixaan, laakiin sidoo kale waxay ka caawisaa ardayda inay yeeshaan kalsooni, dhiirigelin, iyo xirfado bulsho. Ogaanshaha su’aalaha la waydiinayo booqashooyinka dugsiga iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho ee ilmahaaga.