Dugsiga Ka Horreeya Dugsiga Xanaanada
Heerka Fasalka
Qoysasku waxay doonayaan in ay ogaadaan waxa loo baahan yahay in canuggoodu ogaado si uu ugu diyaar garoobo dugsiga barbaarinta ubadka. Waa macalinka koowaad – iyo kan ugu muhiimsan canugga.
Haddii canugaaga uu dhigto dugsiga hore ee barbaarinta iyo haddii kalaba, hagahani waxa uu kaa caawin doonaa in aad fahamto nuxurka ugu muhiimsan (cilmiga & xirfadaha) ee ay tahay in canugaadu ogaado si uu ugu diyaargaroobo Dugsiga Barbaarinta Ubadka iyo siyaabaha aad ku taageeri karto waxbarashada ubadkaaga.

Ka hor inta aadan bilaabin…
Ka caawi canugaada in uu ku guuleysto (uuna jeclaado) iskuulka sanadkan! Sidi ciyaarta oo kale, canugaagu ha sameeyo su’aashan onlaynka ee degdegga ah si aad u aragto sida uu ku yahay wax akhrinta iyo xisaabta.
Kadib, sahmi kheyraadkeena si aad uga hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan filashooyinka heerka fasalka ah, tusaalooyinka shaqada ardayga, iyo waxqabadyada lagu taageero waxbarashada.

Faniga Luuqadda Ingiriisiga ee Dugsiga Ka Horreeya Dugsiga Xanaanada
Xisaabta ee Dugsiga Ka Horreeya Dugsiga Xanaanada
Qaababka loola hadlo macalimiinta
Xidhiidh adag oo ka dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah hubinta ardayda inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan. Ku lug lahaanshaha waalidku kaliya ma keenayso darajooyin sare iyo buundooyin imtixaan, laakiin sidoo kale waxay ka caawisaa ardayda inay yeeshaan kalsooni, dhiirigelin, iyo xirfado bulsho. Ogaanshaha su’aalaha la waydiinayo booqashooyinka dugsiga iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho ee ilmahaaga.
