Xisaabta
Ardayda fasalka 8-aad
Hagahani waxa uu kaa caawin doonaa in aad fahamto nuxurka ugu muhiimsan (cilmiga & xirfadaha) ee ay tahay in canugaadu ogaado iyo siyaabaha aad ku taageeri karto waxbarashada ubadkaaga inta ay ku jiraan.
Talo: dul rog icons si aad u aragto qeexida ereyada muhiimka ah
Tani waxay tusaale u tahay hanuuninta

Rajada Ardayda
BARASHADA XISAABTA FASALKA 8AAD
In ay qeexaan qiimaha tirooyinka aan ahayn lakab ayaga oo adeegsanaya tirooyinka lakabka ah
√ 7 ma ahan tiro lakab ah sababtoo ah jajab uma taagnaan karo. Qiimaha √ 7 wuxuu u dhexeeyaa 2.6 iyo 2.7

Waxay xaliyaan su’aalaha leh ku jibaaraneyaasha adag oo ay kujiraan kujibaaraneyaal ah tirooyin taban iyo jajabyo
Waxay adeegsanayaan astaamaha kujibaaraneyaasha tirooyinka ah si ay usoo saaraan tibix lamid ah . Waxay adeegsadaan xidid laba jibaaraneyaasha si ay u muujiyaan xalka isle’egyada
27⅔ = ∛272 = ∛729 = 9
Waxay qoraan tirooyinka waaweyn iyo kuwa yaryar ayaga oo isticmaalaya qormo saynis; waxay tirooyinka isugu dhufanayaan isuguna qaybinayaan qaab qormo saynis ah
86,000 → 8.6 x 104
4.2 x 10-4 → 0.00042
Waxay xalinayaan mas’alooyinka wata isle’egta toosan oo wadata hal doorsoome iyo nidaamyo isle’egyo toosan ah. Waxay ku muujiyaan garaafna ka sameeyaan xiriirka ka dhexeeya dunida dhabta ah iyo mas’alooyinka xisaabta ayaga oo isticmaalaya isle’egyada toosan
Waxay isticmaalaan isle’egyada toosan si ay u muujiyaan xaaladaha saamigalka ah. In ay helaan tiirada iyo tikraarka-y
y=mx+b
- Tiirada Waxa uu qeexaa tiirada xariiqa
- tikraarka-y Waxa uu qeexaa barta xariiqu ka jarayo dhidibka-y
Waxa ay si dhow ula socdaan noocayada iyo xiriirka xogta ku lugta leh laba doorsoome. Waxay isticmaalaan fansaarada si ay u qaabeeyaan xiriirada ka dhexeeya laba doorsoome. Waxay abuuraan ayna tarjumaan fansaarka toosan kuwaas oo wata shaxda, garaafyada, iyo isle’gyada
Waxay sababeeyaan ayna adeegsadaan Aragtiinka Baysogras si ay u xaliyaan mas’alooyinka
Marka la eego xagal qumman (oo ah saddex xagal leh 90° digrii)
a2 + b2 = c2

TUSAALOOYINKA XISAABTA FASALKA 8AAD
Waxyaabaha soo socda keebaa ah tibix lakab ah?
- 4√18
- √16 + √25
- 12√4
- 4 + √16
- 10√9
- + √15
4√18 and 3 + √15
Afar barood ayaa lagu muujiyay xarriiq tiro, bartee u taagan √9?

E
Fududee tibxaha soo socda:
- 10y8 * 2y2 =
- 4x3 / 3x6
- x20 / x5
- 2x2 * 3x3 / 2x5
a. 20y10 b. 4/3x3 c. x15 d. 3
Wadarta guud ee qiyaasta bedka dhulka Shiinuhu waa 9.326 × 106kiiloomitir oo laba jibbaaran. U qor bedka dhulka Shiinaha hab beegal.
9,326,000 kiiloomitir oo iskuwareeg ah
Miisaanka xabad siigo ah ayaa ah 0.000000000753 kiilogaraam. Waa maxay tiradu marka loo qoro hab qormo sayniseed
7.53 × 10-10 kilograms
Kee ayaan u taagnayn fansaar aan xarriiq toosan ahayn?
- 1/2x + y = 11
- x – y = 1
- xy = 1/2
- x = 1/2y
c. xy = 1/2
Wadarta kharashka buug kujira qaybta, c, waxay ku xiran tahay tirada buugaagta ee kujirta qaybta, b. Qor isle’eg muujinaysa in kharashku yahay fansaarka tirada buugaagta.
c = f(b)
Garaafka xariiq ayaa hoos lagu muujiyay. Waa maxay tiirada xariiqu?

2
Garaaf u samee xariiqa maraya baraha (1, 2) tiiradiisuna tahay (-3/4)

Waa inay ku sawiraan layn isku xidhaya nambarka 6 dhidibka y ( dhidibka toosan ) iyo 7 xagga dhidibka x (dhidibka jiifka)
Waa maxay qiimaha 4 j−|j−6|marka j=−3?
-21
Kooxda baambayda dugsigu waxay iibinayaan xirmooyin nacnac ah si ay lacag ugu helaan safar ku kici doona $1,625. Xirmo kasta oo nacnac ah oo ay iibiyaan waxay ka helayaan $0.75. Waxay mar horeba heleen $967. Qor isle’eg loo isticmaali karo in lagu helo tirada xirmooyinka nacnaca ah, n, ee ay ku khasbanyihiin in ay iibiyaan si ay u helaan lacagta safarka ee soo hartay.
0.75n = $658
Baraha Q(2, 2), R(4, 4), iyo S(8, 4) waa geesaha barbaroole QRST. Waa maxay isle’egta xariiqa kujira ST?
y = x – 4;
Garaaf ku samee xalka adiga oo adeegsanaya −4 x+3>21 ee xarriiqa tiro ee hoose.

x wuu ka yar yahay ama la siman yahay -4
HOWLAHA MAALINLAHA AH EE LAGU TAAGEERAYO WAXBARASHADA
Qaababka loola hadlo macalimiinta
Xidhiidh adag oo ka dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah hubinta ardayda inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan. Ku lug lahaanshaha waalidku kaliya ma keenayso darajooyin sare iyo buundooyin imtixaan, laakiin sidoo kale waxay ka caawisaa ardayda inay yeeshaan kalsooni, dhiirigelin, iyo xirfado bulsho. Ogaanshaha su’aalaha la waydiinayo booqashooyinka dugsiga iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho ee ilmahaaga.
