Xisaabta

Ardayda fasalka 7-aad

Hagahani waxa uu kaa caawin doonaa in aad fahamto nuxurka ugu muhiimsan (cilmiga & xirfadaha) ee ay tahay in canugaadu ogaado iyo siyaabaha aad ku taageeri karto waxbarashada ubadkaaga inta ay ku jiraan.

Talo: dul rog icons si aad u aragto qeexida ereyada muhiimka ah

Tani waxay tusaale u tahay hanuuninta

7aad

7aad

Rajada Ardayda

Fasalka 7aad, ardaydu waxay diiradda saarayaan xalinta mas’alooyinka wata saamiga iyo xiriirka saamigalka. Waxay sidoo kale adeegsadaan astaamaha aljebrada ee tibxaha waxayna xaliyaan noocyo kala duwan oo mas’alooyin ah oo wata tirooyinka lakabka ah. Ardaydu waa in ay isla shaqeeyaan xiliga fasalka, ka wada hadlaan qaabka ay u xalinayaan mas’alooyinka, oo midkood kan kale wax ka barto. Ardayda fasalka 7aad waa in ay sameeyaan dood xisaabeed iskuguna dayaan qaabab kala duwan si ay mas’alooyinka u xaliyaan. Waa in ay xaliyaan labadaba mas’alooyinka kuwa tirada ah iyo kuwa ereyada ahba, oo ay kujiraan mas’alooyinka dhabta ah ee dunida laga adeegsado. Ugu danbayntii, waa in ay qiyaasaan xalalka kahor inta aysan xallin ogaadaanna in qiyaastoodu tahay mid maangal ah iyo in kale. Ardayda fasalka 7aad waxay wakhtigooda inta ugu badan ku bixin doonaan barashada mawduucyada soo socda. Waa in ay si wanaagsan u fahmaan marka la gaaro dhammaadka sannadka

Si aad u aragto dhammaan heerarka xisaabta gobolka ee fasalka 7ka fiiri halkan: education.mn.gov/MDE/dse/stds/Math


BARASHADA XISAABTA FASALKA 7AAD

Waa in ay taxliiliyaan xiriirada saamigalka ayaga oo isticmaalaya shax ama jaantuus ku qoran baraha kulanka sallaxa . Waa in ay sheegaan farqiga u dhexeeya xiriirka saamigalka iyo kuwa aanan ahayn

Waa in ay isticmaalaan saamiyo si ay u xaliyaan mas’alooyinka talaabooyinka badan leh:

  • Sicirka unugga
    Raul wuxuu 468 mayl ku socday 2 maalmood gudahood asaga oo ku socday xawaare celcelis ahaan gaaraya 52 mayl halkii saacba. Maalintii koowaad, wuxuu safray 4 saacadood asaga oo ku safray xawaare gaaraya 62 mayl halkii saacba. Muxuu ahaa celceliska xawaaraha Raul maalinkii labaad ee safarkiisa?
  • Isirada iskeelka, saamiga dheerarka, iyo saamiga bedka
    Haddii laba laydi oo iskumid ah ay leeyihiin joogag 3 iyo 5 ah, laydiga koowaadna uu leeyahay sal dherarkiisu yahay 7, waa maxay dherarka salka laydiga kale?
  • Sawiridda iskeelka iyo cabirada qiimo isu badalidda
    Adiga oo adeegsanaya heerka qiimo isu badalidda 1 km = 0.62 mayl, imisa kiilomitir ayaa kujirta 26.2 mayl?
  • Dulsaarka, canshuurta, qiimaha , qiime kororka iyo qiime dhimista, xeeladaha iyo khidmadaha
    Sandra waxay buug kusoo iibsatay 25% qiime ka yar qiimihiisii hore. Haddii ay ka bixisay $16.50 si ay buuga usoo iibsato, muxuu ahaa qiimihii hore eebuuggu?

In ay fahmaan tirooyinka lakabka ah , isubarbardhigaan, ay ku qoraan baraha kulanka sallaxa. Waa in ay isticmaalaan nidaamka xisaaf-falada iskugu daraan, u kala jaraan, iskugu dhuftaan, una qaybiyaan lambarrada lakabka ah

Waa in ay adeegsadaan astaamaha aljebrada si ay u qoraan dibna ugu qaabeeyaan tibxaha isle’eg . Waa in ay qiimeeyaan tibxaha leh tirooyinka qiimaha sugan , iyo ku jibaaraneyaasha tirooyinka idil

1/3 (2x-5)2 at x = 5

Waa in ay xaliyaan mas’alooyinka dunida dhabta ah iyo xisaabta ayaga oo adeegsanaya isle’egyada iyo isma le’egyada ku taxaluqa doorsoomeyaasha iyo tirooyinka lakabka ah kuwa taban iyo kuwa togan

Miguel wuxuu riixay kartoon caano ah waxaana daatay 3 koob oo caano ah kahor inta uusan kartoonkii toosin mar labaad. Markii Miguel uu ku shubay caanihii ku haray si isle’eg laba koob oo wax lagu cabiro, waxaa koob kasta kujiray koob 3⁄4 oo caanoah. Imisa caano ah ayaa kujiray kartoon kamarkii hore?

Xali isle’egta labada talaabo ah ee la xiriirta tirooyinka lakabka ah iyo ku jibaaraneyaasha

x + 4 1/8 = 2/3 then x = ?

Xali mas’alooyinka ku saabsan dunida dhabta ah ee la xiriirta cabirada xaglaha, bedka, meeriska goobada , iyo mugga . Waa in ay sharaxaan qaacidooyinka ay isticmaaleen

Waa in ay isticmaalaan qiyaas xisaabeedyada si ay u sameeyaan qiyaasaha ku saabsan shucuubta marka la bixiyo muunad ku nasiibsi ah

Waa in ay soo helaan ixtimaalka waqdhacyada fudud iyo kuwa isku dhafan, waa in ay qoraan ixtimaalada jajabyada, jajab tobanleyaasha, iyo boqoleyda

Ixtimaalka in laandhuu la tuuro kaddibna la helo ‘3” waa waqdhac ixtimaal oo fudud ixtimaalkuna waa 1 6dii jeerba ama 1/6

Ixtimaalka in halmar la tuuro laandhuu lana helo “3” sidoo kalena la tuuro shilin lana helo “xarash” waa waqdhac isku dhafan ixtimaalkuna waa 1/6 x 1/2 kaasoo ah 1 12kii jeerba ama 1/12

TUSAALOOYINKA XISAABTA FASALKA 8AAD 


Hoos waxaa kujira tusaalooyinka mas’alooyinka xisaabta ee heerka fasalka 7aad.4

4Waxyaabaha laga soo daayay Qiimeynta Dhammmaystiran ee Minnesota. Xaquuqda lahaanshaha MDE

https://education.mn.gov/MDE/dse/test/items/

Waa maxay qiimaha 43

64

Hal kayar laba jibaarka tiro, x, waa 27. Qor isle’eg loo isticmaali karo sidii loo heli lahaa qiimaha x.

2x – 1 = 27

Dherarka iyo ballaca sawir cabirkiisu yahay 8-inji iyo 12-inji ayaa mid kasta laga yareeyey 50%. Haddana mar labaadayaa laga yareeyey 25%. Waa maxay masaafada meeriska sawirka cusub?

15 inches

Tirooyinka soo socda kee baan ahaynlakab?

  1. 3/9
  2. 0.39
  3. 3.3939
  4. 3.393993999….

D: 3.393993999…

Garaaf ku muuji xalka |x|=3 xariiqa tirada eetoosan.

Dhibcaha waa in ay ahaadaan -3 iyo 3 iyagoo kujira laynka iskuxidhaya

Masaafada Jan ay safrayso 2 saacadood gudahood waxay 18 mayl ka badan tahay masaafada ay 0.5 saacadood ku safarto. Masaafada ay safartaa waxay saamigal ku tahay wakhtiga. Imisa mayl ayay Jan ku safartay 2 saacadoodgudahood?

24 miles

Bedka oogada dhululubadu waa 175.8 sintimitir oolaba jibbaaran.

24 miles

Waa maxay joogga dhululubadu? (U isticmaal 3.14 badalka π)

  1. 2.3 centimeters
  2. 3.0 centimeters
  3. 3.5 centimeters
  4. 4.5 centimeters

b: 3.0 centimeters

Macalin ayaa qortay dhibcaha warbixinta buugga ee qaar kamid ah ardayda fasalkeeda ayada oo isticmaalaysa dhibcaha laga bilaabo 1 ilaa100.

95 75 88 82 60 89 95 73


Macalimada waxa u hartay 1 buug oo dhibcaha warbixinta in ay qorto. Waa maxay dhibcaha ka dhigaya celceliska iyo dhexfurka dhibcaha kuwo iskumid ah?

85

Isle’egtee utaagan xiriirkasaamigalka?

  1. y = 5/x
  2. y = 1/6x
  3. y = 3x + 1
  4. x2

B: y = 1/6x

Cayaar ayaa isticmaasha laba wareege kuwaa oo leh qaybo midabkoodu yahay buluug (B), casaan (R), iyo jaalle (Y). Ixtimaalka in buluug laga helo labada shey ee wareeganayaba waa 1/6. Ixtimaalka in casaan laga helo labada shey ee wareeganayaba waa 1/6. Waa maxay midabka qayb kasta oo wareegaha ah? Ku qor B, R, ama Y bokiska kubeegan.

Jawaabuhu way kala duwanaan karaan.

HOWLAHA MAALINLAHA AH EE LAGU TAAGEERAYO WAXBARASHADA 

Ka hubi ilmahaaga

Kala hadal ardaygaaga fasalka 7aad xisaabta uu samayn karo. Waa maxay waxyaabaha cusub ee uu baranayo? Wax dhibaato ah miyuu ku qabaa? Ma caawin kartaa adigu? 

Caawinaad weydiiso

Ka caawi ardaygaaga fasalka 7aad helitaanka waxyaabaha ka caawin kara waxbarashada. U sheeg ardaygaaga in uu kala hadlo macalimiintiisa waxyaabaha caawin kara, sida in uu ku tababarto shaqooyinka, kuwo dheeraad ah, ama ilo kale 

U kaxee dukaanka

U kaxee canuggaaga dukaamaysiga. Weydii in uu isbarbardhig ku sameeyo qiimeyaasha si uu u helo iibka ugu wanaagsan. Weydii in uu qiyaaso canshuurta 

Tijaabi tirakoob

Weydii ardaygaaga fasalka 7aad in uu sameeyo cilmibaaris xog xisaabeed ah oo ku saabsan qaybaha uu danaynayo. Tusaale ahaan, u sheeg in uu soosaaro 30ka heesood ee ugu badan ee uu dhagaystay bishaan. Hel faraqa, celceliska, iyo badi-dhecaha ugu badan ee uu dhagaysto ee heesaha  

Weydii su'aalo

Marka ardaygaaga fasalka 7aad uu u baahdo in laga caawiyo layliga, weydii su’aalaha ka caawinaya in uu barto qaabka loo xaliyo mas’alada. Adigu ha uga shaqayn mas’alada 

Ka hadal waxay baranayaan

Canuggaagu haka hadlo waxyaabaha ay baranayaan iyo halka ay waxyaabaha ku arkaan ee dunida ku wareegsan. Tusaale ahaan, halkee ayay ku arkaan tirooyinka taban ee kabaxsan fasalka xisaabta? 

U ogolow ilmahaaga inuu hogaamiyo

Wax ka weydii ardaygaaga fasalka 7aad mas’alooyinka xisaabta ah ee uu doonayo in uu xaliyo. Miyuu u isticmaali karaa xisaabtaan shaqadiisa marka uu weynaado? 

Isticmaal xisaab nolol maalmeedka

Tus meelaha aad xisaabta u isticmaasho noloshaada maalinlaha ah 

Faniga Luuqadda Ingiriisiga

Qaababka loola hadlo macalimiinta

Xidhiidh adag oo ka dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah hubinta ardayda inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan. Ku lug lahaanshaha waalidku kaliya ma keenayso darajooyin sare iyo buundooyin imtixaan, laakiin sidoo kale waxay ka caawisaa ardayda inay yeeshaan kalsooni, dhiirigelin, iyo xirfado bulsho. Ogaanshaha su’aalaha la waydiinayo booqashooyinka dugsiga iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho ee ilmahaaga.

Sareeyaha waa tirada sare ee jajabka. Waxay ina tusaysaa inta qayb ee aan haysano. Hooseeyaha waa tirada hoose ee jajabka. Waxay ina tusaysaa inta qayb ee ku jirta dhamaan. 

Gadaal kgale waa koox xarfo ah oo lagu daray dhamadka erayga. Gadaal galaha wuu badali karaa micnaha ereyga. Ku darida ‘’less’’, dhamaadka erayga ‘’end’ (dhamaad)’ wuxuu u badalayaa micnaha ‘’aan dhamaad lahayn’’ gadaal galaha wuxuu kaloo badali karaa sida ereyga loo isticmalo. Magaca ‘’child’’ (canug) wuxuu noqonayaa sifo ‘’childish’’ (caruurnimo) markaad ku darto gadaal galaha ‘’ish’’. 

Hor-gale waa koox xarfo ah oo lagu daray bilowga erey taasoo badalaysa micnihiisa. Ku darida ‘’un” ereyga hortiisa “clean’’ waxay ka dhigaysaa ‘’aan nadiif ahayan’’. Hor-galeyaasha kale ee guud waxay yihiin ‘’re’’, ‘’dis’’, ‘’over’’, ‘’out’’. 

God walba oo tiro ku jira waxaa uu leeyahay qiimo saldhig u ah booskiisa uu kaga jiro tirada. Tusaale ahaan, nambarka 548, godka 5 waxaa uu ku jiraa booska boqolaad ee qiimaha booska, qiimeynta booskiisa waa 500. Godka 4, waxa uu ku jiraa booska tobnaad, qiimaha booskiisa waa 40. Godka 8 waxa uu ku jiraa booska koowaad, qiimaha booskiisana waa 8. 

Buugaagta leh dhawaaq iyo higad isla socoto ee macalimiinta ay horay fasalka ugu bareen. Ardayda way higaadiin karaan am ku dhaqaaqi karaan inta badan ereyada ku jira qoraalka. 

Adigoo isticmaalaya xiriirka xarfaha iyo dhawaaqa ee sida saxda ah loogu dhawaaqo ereyada. Tusaale ahaan, caruurta baratay dhawaaqa ingiriiska /a/, /c/, & /t/ way kala saari karaan “cat.” 

Markay ardayda baranayaan qorida, waxay qoraan dhawaqa ay maqlaan. Waxaa laga yaabaa in aysan si sax ah u higaadinin ereyada. Tani waxay macalimiinta ugu yeeraan “Higaad hal-abuur leh”. Ardayda waxay isticmaalaan iskuxerka xarfaha iyo dhawaaqa lagu baray iskuulka si ay ugu dhawaaqaan ereyo. Muhiimad badan malahan in aad higaad sax ah haysato. 

Buugagta leh dhawaaqa iyo higaada isla socda ee macalimiinta horay ugu bareen fasalka ardayda way kala saari karaan ama ku dhawaaqi karaan ereyada intooda badan ee ku jira qoraalka. 

Garashada dhawaaqa luqad. Tusaale, jiibta, shibbanesyaasha iyo dhawaaqyada kujira ereyada. 

Ereyadu waxay ka samaysan yihiin dhawaqyo gaar-gaar ah oo loo yaqano dhawaq ereyeed. Caruurtu waa in ay ku tababartaan garashada, soo saarista, iyo isku aaddinta codadkaan gaarka ah. 

Xirfadaha loo baahan yahay in wax lagu akhriyo, la qoro, iyo lagu hadlo. 

Awooda akhriska & qoraalka. Ardaydu waxay ku fiicnaadaan xagga akhris-qoraalka iyo wax-akhriska cad iyo tilmaamo gaar ah & qabasho ahaanba. 

Marka aynu naqaano kalmad anagoon ka dhawaaqin. Akhristayaasha wanaagsani waxay tan ku sameeyaan kelmado aad u caan ah ama erayo aan raacin “sharciyada” dhawaaqa erayada. 

Waa jajab sareeyaha uu ka badan yahay hooseeyaha, sida 7/6. 

Waa lambar ka kooban labadaba tiro idil iyo jajab sida 1 3/8 

Sareeyuhu waa tirada kore ee jajabka. Wuxuu muujinayaa tirada qaybaha aan haysano. Hooseeyuhu waa lambarka hoose ee jajabka. Wuxuu muujinayaa qaybaha kujira tirada ee shayga oo dhan. 

Waa koox ereyo ah kuwaas oo micnahoodu yahay wax ka duwan waxa ay luuqad ahaan sheegayaan. Tusaale ahaan: “eeyaha iyo bisadaha ayaa da’aya” micnaheedu waa “in roob mahiigaan ah da’ayo” iyo “jab keeg ah,” micnaheedu waa shay ay fududahay in la sameeyo.” 

Waa ereyada midba midka kale kasoo horjeedo micno ahaan. “Weyn” iyo “yar” waa kuwo iska soo horjeeda.

Ereyada isku micnaha ah waa ereyada micne ahaan iskumidka ah. “Weyn” iyo “xajmi leh” waa isku micne. 

Marka ardaydu wax u akhrin karaan si xawli ah, sax ah, ayna isticmaalaan astaamo muujinaya in ay fahmeen waxa ay akhrinayaan. 

Badi-dhecuhu waa tirada soo laalaabanaysa inta ugu badan ee xogta. Majiri karo badi-dhece haddii dhammaan tirooyinku usoo laalaabanayaan si iskumid ah. Waxaa jiri kara wax ka badan hal badi-dhece haddii tirooyin badan la arkay inta ugu badan inay soo noqnoqdeen. 

Kaddib marka la habeeyo xogta ayada oo laga soo bilaabayo kan ugu yar laguna keenayo kan ugu badan, dhexfurku waa qiimaha kujira bartanka xogta. 

Celcelisku mararka qaar waxaa loo yaqaan celcelis. Celceliska waxaa lagu helaa iyada oo la isku darayo dhammaan qiimeyaasha xogta kaddibna loo qaybinayo wadarta tirada guud ee qiimeyaasha. 

Bedka oogada sare waa caddadka banaanka kore ee qaab saddex dhinac leh. 


Xiriirka ka dhexeeya laba qaybood oo tirooyin ah oo aan isle’ekayn. Ismale’egyadu waxaa sida caadiga ah kamid ah lambar aan la garanayn. Tusaale ahaan, 7x < 28

Waa xiriirka ka dhexeeya caddadka laba shay ama kasii badan. Tusaale ahaan, haddii saamiga u dhexeeya wiilasha iyo gabdhaha ee fasalka uu yahay 12:15, haddaba waxaa fasalka dhigata 12 wiil iyo 15 gabdhood. 

Dhufsaneyaashu waa tirooyinka aad hesho marka aad isku dhufato tiro iyo tiro idil. Tusaale ahaan, dhufsaneyaasha 5 waa: 10, 15, 20, 25, 30…iwm. 

Isiradu waa tirooyinka aanu isku dhufan karno si aan u helno tiro kale. Tusaale ahaan, 2 iyo 3 waa isirada 6 sababtoo ah 2 lagu dhuftay 3 waxay lamid tahay 6. 

Adiga oo ereyadaada ku beddelaya jumlada ama baaragaraafka. 

Waa tibix qeexaysa xiriirka ka dhexeeya hal doorsoome (doorsoome madax banaan) iyo doorsoome kale (doorsoome madax banaan). Haddii fansaarku yahay mid xarriiq toos ah, kaddibna marka garaaf lagu sameeyo salaxa baraha kulanka, waxay abuuri doontaa xarriiq toos ah oo leh tiiro ma doorsoome ah. 

Qormo saynis waa qaab loo muujinaya tirooyinka aadka u weyn ama aadka u yar in si fudud loo qoro. Tusaale ahaan tirada 0.0000000000073 waxaa si fudud loogu qori karaa 7.3 x 10-12 

Xididka laba jibbaaran waa isirka tiro taasoo, markii isla ayada la isku dhufto keenaysa tiradii hore. Tusaale ahaan, 5 iyo –5 labaduba waa xidid laba jibaaranaha 25. 

Tirooyinka, calaamadaha, iyo shaqooyinka (sida + iyo ) la isu keeno kuwaas oo muujinaya qiimaha shay. Tusaale ahaan, y + 4 waa tibix, sidoo kale 3 − x/2 iyaduna waa tibix. 

Waa suurtagalnimad uu shay ku dhici karo. Ixtimaalka waxaa lagu muujiyaa jajab tobanle ahaan ama jajab laga bilaabo 0-1 ama boqoley ahaan laga bilaabo 0-100%. Tusaale ahaan, ixtimaalka tuurista shilin iyo in uu soo baxo “xarash” waa .5, 1/2, ama 50%. 

Caddadka goob 3 dhinac leh (3D) oo uu shay gali karo. Muggu wuxuu noo sheegayaa caddadka aan u baahanahy si aan shayga u buuxinno. Tusaale ahaan, caddadka biyaha loo baahan yahay si dhalo loo buuxiyo. Mugga shayga waxaan ku cabirnaa cabirro saddex jibaaran sida sintimitiro saddex jibaaran, injiyo saddex jibaaran, talaabo saddex jibaaran, iyo wixii lamid ah. 

Meerisku waa masaafada qaab ku wareegsan. Waxaa lagu helo iskudarista dhererka dhinacyada oo dhan. Marka la eego goobo, meerisku wuxuu s aamigal u yahay dhexroorka isir ahaan.π . 

Doorsoomuhu wuxuu u tagaan yahay qiimo tiro aan la aqoon oo kujira isle’eg ama tibix xisaab ah. Doorsoomeyaasha waxaa lagu muujiyaa calaamado (sida caadiga ah xaraf). 

Waa jumlad laba shay isle’egyihiin. Isle’egtu waxay inta badan leedahay laba tiro oo aan la garanayn (kuwaas oo loo yaqaano doorsoomeyaal) waxaana loo muujiyaa xaraf ahaan. Tusaale ahaan: 3b + 5 = 14

Kujibaarane waxaa loola jeedaa inta jeer ee tirada asalka ah la isku dhufanayo. 

Tibxaha isu dhigma waa tibxaha u shaqeeya qaab iskumid ah inkasta oo ay u muuqdaan in ay kala duwanyihiin. Haddii laba tibxood ay isu dhigmaan, haddaba labada tibxood waxay leeyihiin qiimo iskumid ah marka la galiyo qiimaha iskumidka ah ee doorsoomaha. Tusaale ahaan, 2x + x + x waxay u dhigantaa 4x

Masaafada lambar uu kasoo bilaabmo eber. Calaamadda “|” ayaa la dhigaa labada dhinac ee tirada si loogu micneeyo qiimaha sugan, sidaa darteed qiimaha sugan ee x waxaa loo qoraa |x|. 

|4| = 4 |-5| = 5

Astaamaha aljebra waxay qeexayaan qaababka kala duwan ee tiro la iskugu keeni karo. Ardayda fasalka 7aad waa in ay u fududaataa adeegsiga astaamaha aljebrada ee isu soocidda, isu aruurinta iyo kala soocidda. 

Hanaanka xisaab-faladu waa xeer noo sheegaya nidaamka aan u xalinno tibxo talaabooyin badan leh. Nidaamka aan raacayno waxaa lagu xasuusan karaa ereyada lasoo gaabiyay ee PEMDAS:

1. Parentheses (Bilo)
2. Exponents (Ku jibaaraneyaasha)
3. Multiplication & Division(Isku dhufasho iyo Isku qaybin) laga bilaabayo bidixda ilaa midigta
4. Addition & Subtraction(Kudar iyo Kajar) laga bilaabayo bidixda ilaa midigta 

Tirada lakabka ah waa tirada lagu muujin karo in uu yahay jajabka laba lambar. Tirada aan lakabka ahayn laguma muujin karo jajab ahaan. Jajab tobanluhu ma ahan tiro lakab ah haddii uusan waligiis dhammaanayn uusanna lahayn qaab soo noqonoqanaya. 

Baraha sallaxu waa sallax simman oo ay sameeyeen isgoyska xariiqa lambar taagan oo loo yaqaan dhidibka-y iyo xariiqa lambarka jiifa ee dhidibka-x. Kuwaani xariiqyada isku qotoma ee iska goynaya eber, bartaanna waxaa loogu yeeraa bar-boilowga. 

Waa xiriir u dhexeeya laba caddad oo kala duwan kaasoo hal caddad uu yahay ma doorsoome kasoo tarmay caddad kale. Tusaale ahaan, quraanjo kasta waxay leedahay 6 lugood, sidaa darteed buulka quraanjada, wadarta tirada luguhu waxay lix jeer ka badan tahay tirada quraanjada. Sidaa darteed, tirada luguhu waxay saamigal ku tahay tirada quraanjada. 


Jumlad soo koobid ah waa hal ama laba jumladood oo soo koobaya fikradda guud ee qoraalka. 

Luuqadda sharraxaada waxay isticmaashaa qaybaha hadalka si ay u noqoto mid xiiso leh, waxtar leh, saamaynna leh. Tusaale ahaan: “Dhogorta eygaygu waxay u madowdahay sidii dhuxushii.” “Waxay dareemaysaa buluug.”“Wuxuu ku dagaalamay awood libaax.” Ardayda fasalka 7aad waa in ay isticmaalaan mowduuca si ay u helaan micnaha luuqadda sharraxaada ayna ogaadaan in ay tani ka duwan tahay micnaha dhabta ah ee ereyada. 

Macluumaadka ku saabsan qof kujira internetka oo ay sabab u tahay hawshiisa onlaynka. Arrintaan waxaa kamid ah baraha bulshada, sawiraanta, iibka onlaynka ah iyo dib u eegisyada, lambar sireedyada, iyo rukumashada, iyo noocyada kale. 

Waa hannaan heer u samayn oo caan ah oo ay adeegsadaan ardayda, macalimiinta, iyo waalidiinta si loo muujiyo laba shay:

1) Heerka wax akhriska ardayga 2) Adaygga qoraalka

Waxaad ka heli kartaa tirada Lexile qaybta danbe ee buugga ama adiga oo ciwaanka ka raadinaya www.lexile.com. Heerarka lexile ee fasalka ku haboon: Fasalka 6-8 heerka 925–1185 

Sheegashada shaqada qof kale ama fikraddiisa in aad adigu leedahay. 

Tani waxay tusaale u tahay hanuuninta

Lorem ipsum odor amet, consectetuer adipiscing elit.

The numeric value of a digit in a number. The value of the digit is based on its position in the number. See the chart below for the number 4,367.082.