Xisaabta
Ee Fasalka Pre-K
Maskaxda carruurtu waxay u koraan si degdeg ah markay yar yihiin. Da’dan, carruurtu waxay wax ku bartaan markay ciyaarayaan oo wax baarayaan.
Talo: dul rog icons si aad u aragto qeexida ereyada muhiimka ah
Tani waxay tusaale u tahay hanuuninta

Tsi ay ugu diyaar garoobaan Dugsiga Barbaarinta Ubadka, ardayda dhigata dugsiga kahorreeya Dugsiga Barbaarinta Ubadka waa in ay si wanaagsan u yaqaanaan qaabka waxyaabaha soo socda loo sameeyo:
Aasaaska Xisaabta
Waa in ay ereyada tirooyinka si sax ah u sheeggaan ayaga oo ka bilaabaya 0 gaynayana ilaa 29
Waa in ay ereyada tirooyinka si sax ah u sheeggaan ayaga oo ka bilaabay 10 gadaalna usoo wadaya “Toban → sagaal → sideed → todoba…”
Waa in uu magacaabo lambarka ku xiga tirada ilaa laga gaarayo 9
Waa in uu magacaabo lambarka ka horreeya ilaa laga gaarayo 5
Waa in uu akhriyaa uuna qoraa tirooyinka laga bilaabo 0 ilaa 10, ayada oo loo ogolyahay in uu tirooyinka qaar gadaal u akhriyo

Waa in uu tiriyaa walxaha uuna sheegaa tirada saxda ah ee ashyaada marka la weydiiyo (tirooyinka gaaraya ilaa
Waa in uu ashyaada ku kala soocaa hal tayo ama ka badan (tusaale ahaan: midabka, qaabka, baaxadda)
HOWLAHA MAALINLAHA AH EE LAGU
TAAGEERAYO WAXBARASHADA
Qaababka loola hadlo macalimiinta
Xidhiidh adag oo ka dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah hubinta ardayda inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan. Ku lug lahaanshaha waalidku kaliya ma keenayso darajooyin sare iyo buundooyin imtixaan, laakiin sidoo kale waxay ka caawisaa ardayda inay yeeshaan kalsooni, dhiirigelin, iyo xirfado bulsho. Ogaanshaha su’aalaha la waydiinayo booqashooyinka dugsiga iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho ee ilmahaaga.
