Xisaabta
ee Dugsiga Xanaanada
Fiiri xirfadaha uu ilmahaagu ku baran doono Xisaabta iyo sida aad guriga uga caawin karto.
Talo: dul rog icons si aad u aragto qeexida ereyada muhiimka ah
Tani waxay tusaale u tahay hanuuninta

Rajada Ardayda
Dugsiga xanaanada waa in ay fahmaan sida si fiican loogu sameeyo waxayaabaha soo socda dhamaadka sanadka:
BARASHADA XISAABTA EE
DUGSIGA XANAANADA
Aqri, qor oo soo bandhig (iyadoo ay lasocdaan sawiro ama xariiqmooyin) tiro dhamaystiran oo ka bilaawata 0 illaa 31
Horay iyo gadaal u tiri ilaa 20. Tiri walxaha si aad u sheegto inta aya yihiin
Kooxo dhan ilaa 20, isku barbardhig labo koox walxa ah si aad usheegto kooxda wax badan haysata
Fahan labada tiro ee qoran midka wayn ee u dhaxeeya 1 iyo 20. Tusaale ahaan, ardayda waa in ay ogaadaan in “6” ay ka wayn tahay “2”
6 > 2
Sameey mas’alooyin iskudarka iyo kaljarka. Sawir sawiro si aad uga shaqayso su’aalo
Iskudar caddad 10 ah ama ka yar. Kajar tiro 10 ama wax ka yar
Si sax ah oo deg deg ah u raadi tirada taasoo 1 ka badan ama 1 ka ayar. Tusaale ahaan, 3 + 1
3 + 1 =
HOWLAHA MAALINLAHA AH EE LAGU CAAWIYO WAXBARASHADA
Qaababka loola hadlo macalimiinta
Xidhiidh adag oo ka dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah hubinta ardayda inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan. Ku lug lahaanshaha waalidku kaliya ma keenayso darajooyin sare iyo buundooyin imtixaan, laakiin sidoo kale waxay ka caawisaa ardayda inay yeeshaan kalsooni, dhiirigelin, iyo xirfado bulsho. Ogaanshaha su’aalaha la waydiinayo booqashooyinka dugsiga iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho ee ilmahaaga.
