Xisaabta
Ardayda fasalka 4-aad
Hagahani waxa uu kaa caawin doonaa in aad fahamto nuxurka ugu muhiimsan (cilmiga & xirfadaha) ee ay tahay in canugaadu ogaado iyo siyaabaha aad ku taageeri karto waxbarashada ubadkaaga inta ay ku jiraan.
Talo: dul rog icons si aad u aragto qeexida ereyada muhiimka ah
Tani waxay tusaale u tahay hanuuninta

Rajada Ardayda
BARASHADA XISAABTA FASALKA 4AAD
Xusussnow iskudhufashada iyo qaybinta ee tirooyinka 1 ilaa 12
Qiyaas jawaabta, kadib iskudhufo iskuna qaybi tirooyinka leh labada god.
Tusaale, 1,638 × 7 & 6,966 ÷6
1,638 x 7
Isticmaal afarta qaab ee (+ – x ÷) si aad uga shaqayso talabooyinka badan ee su’aalaha
Fahan kuna dabaq jajabyo u dhigma.
Tusaale ahaan, ogow in 1/4 ay ka yartahay 3/8 sababtoo ah 1/4 waxay la egtahay 2/8
Isku dar kalana jar jajabyada leh hooseeyayaal isku mid ah
Aqri, isku barbardhig, hagaagji, wareeji, oo qor jajab tobanlaha. U qeex jajab tobanlaha sida tobnaad, boqolaad, iyo kumaad
U qor una aqri tobanaad iyo boqolaadyada labada qaab ee jajab tobanlaha yo jajabyo (adigoo dib ugu qoraayo 0.62 sidan 62/100)
Tusaale, ogow in ½ = 0.5 & ¼ =0.25
1/4 < 3/8
Fahan in bedka labo shay oo laba geesle ah in lagu heli karo adigoo xisaabinaya iskudarka dhamaan tirada jibaaran ee isku cabirka ah. Raadi bedka shaxanka afargeeslaha ah adigoo iskudhufanaya dhererka iyo balarka.
TUSAALOOYINKA XISAABTA EE FASALKA 4AADAH
Sidebar Tooltip
Barta A ayaa lagu muujiyay leenka tiraada. U qor saddex jajab oo u dhigma bartaA.

Jawaabuhu way kala duwanaan karaan. Jajab kasta oo u dhigma 48 waa sax. Tusaale ahaan 1/2 , 2/4 , 3/6 ,5/10 ,7/14;
Nicole waxay siisaa maalin walbo 6/8 koobab oo cunta ah mid kast oo dabagaalayaasheeda ah. Waxay heysataa 7 dabagaale. Meeqo kooboo cunta ah ayay Nicole quudin doontaa dabagaalayaasha maalinwalbo?
5 1/4 weel cunto ah
Keydka heesaha ee Kara waxaa ku jiraa saddexheesood:
“Each Day” (3daqiiqo)
“Best Friends” (3daqiiqo)
“This Weekend” (2daqiiqo)
Meeqa mar ayay Kara dhagaysan kartaa dhamaan keydkeeda heesaha mudo 35 daqiiqo oo gaari wadis ah? Sharax jawaabtaada adoo isticmaalayo tirooyin, ereyo, iyo/ama sawiro.
4 jeer
Sanadkan, Iskuulka dhexe ee Central ayaa samaynaya rooti xaraashid. Laba koox oo arday aha ayaa dubayadoolshooyin
— Kooxda Josie waxay ku ridayaan doolshoyinka8 kartoon oo katoonkiiba 36 kujirto
— Kooxda Rich waxay ku ridayaan doolshooyinka boorsooyin 20ah
Labada kooxba waxay dubeen tiradadoolshooyinka la gelinaayo 8 kartoon iyo 12 boorso
a. Gabi ahaan meeqaa doolshooyin ayay ardaydadubeen?
b. Intee in kabadan oo buskut ah ayaa ku jirta5 sanduuq marka loo eego shanboorso?
c. Xaraashida rootiga kadib, 1 sanduuq iyo 1 boorso oo doolsho ah ayaaharay. Qaban qaabiyayaasha waxay siiyeen doolshooyinkii so haray 6 ardday oo kooxda ah. Arday kasta wuxuu helay tiro doolsho oo isla mid ah. Maxay tahay tirada ugu wayn ee doolsho ee arday kasta uu heli karilahaa?
d. Meeqo doolshooyin oo dheeraad ah ayaa haraya kadib markii arday walbo helay tiradaas doolshadaah?
4a: 528 buskut; 4b: 80 buskut; 4c: 9 buskut; 4d: 2 buskut
Afar fasal ayaa u socda safar shaqo. Fasalada midkiiba wuxuu hayaa 28 arday. Basaska waxay khaadaan 48 rakaab. Dhamaan ardayda, 4 macalin, iyo 4 kormeeryaal ayaa u socda safarka shaqad. Meeqa bas ayay u baahnaandoonaan?
3 bas
Example Tooltip
HAWL MAALMEEDKA MAALINLAHA AH EE LAGU CAAWIYO WAXBARASHADA
Qaababka loola hadlo macalimiinta
Xidhiidh adag oo ka dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah hubinta ardayda inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan. Ku lug lahaanshaha waalidku kaliya ma keenayso darajooyin sare iyo buundooyin imtixaan, laakiin sidoo kale waxay ka caawisaa ardayda inay yeeshaan kalsooni, dhiirigelin, iyo xirfado bulsho. Ogaanshaha su’aalaha la waydiinayo booqashooyinka dugsiga iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho ee ilmahaaga.
