Xisaab

EE FASALKA 1AAD

Inta lagu jiro fasalka koowaad, ardaydu waxay  sii dheereeyaan fahamkooda isku-darka & kala goynta. Waxay bilaabaan inay sahamiyaan isla’egyada, qiimaha tirada, & cabbirka. Si aad u aragto dhammaan heerarka xisaabta gobolka ee fasalka Xka fiiri halkan.   

Talo: dul rog icons si aad u aragto qeexida ereyada muhiimka ah

Tani waxay tusaale u tahay hanuuninta

1aad

1aad

Rajada Ardayda

Inta lagu jiro fasalka koowaad, ardaydu waxay  sii dheereeyaan fahamkooda isku-darka & kala goynta. Waxay bilaabaan inay sahamiyaan isla’egyada, qiimaha tirada, & cabbirka. Si aad u aragto dhammaan heerarka xisaabta gobolka ee fasalka Xka fiiri halkan.   

Dhammaadka sanadka, ardayda fasalka 1aad waa inay ogaadaan:

BARASHADA XISAABTA EE FASALKA 1AAD

Ka shaqay iskudarka iyo kalajarka suaalah

Mas’alooyinka ah ee leh tiroonyinka ilaa 20 

Si maskax ahaan iskugu dar caddada 10 ama wax ka  yar. Si maskax ahaan ukalajar tiro 10 ama ka yar 

Soosaar tirada maqan ee ku jirta isla-egta asaasiga ah.

Tusaale ahaan, 3 +__ = 7  

3 + _ = 7

Fahan waxa loola jeedo godadka ku jira tiryooyinka  laba godlaha ah. Tusaale ahaan tirada 42 waxaa loola  jeedaa 4 oo tobanaad ah iyo 2 oo koowad ah 

4 2

tens ones

 Kudar labo, tirooyinka laba godlaha ah adoo iskudaraya tobanaad + tobanaad + kowaad 

Ku cabir dhererka walxaha adoo u isticmaalaya shay  gaaban halbeeg cabir ahaan. Tusaale ahaan, “Meeqo  qalin qori ayuu dherer ahaan yahay miiskan?”

HOWLAHA MAALINLAHA AH EE LAGU CAAWIYO WAXBARASHADA

U bood tirinta horay & gadaal

Kabood tirinta horay iyo gadaal min 2s, 5s, iyo 10s ugu yaraan 120. Hees, dhaqaaq, ama ciyaar markaad tirinayso. Tani waxay caawinaysa xasuusta.

Ku celceli isticmaalka erayada si aad u qeexdo cabbirka tirada tirada.

Ku celceli adoo isticmaalayo ereryo lagu sharaxayo cabirka  tirooyinka Tusaale: “Tirada saxamada waxay la egyihiin tirada  galaasyada. “Tirada digirta ayaa ka badan tirada baastada.” 

Ku Celceli Waqtiga Sheegidda

Baraatikeey sheegista waqtiga saacad iyo saacad barkeed.

Akhri buugaag ay ku jiraan cabbir.

Aqri buugaag ay ku jiraan moowduucyada cabiraada. Canugaaga ha guriga guriga hana isu barbar dhigo dhererka.

Ku celceli Isku-darka iyo Kala-goynta

Baraatikeey iskudarka. Kudar koowaad + koowaad  

iskudar tobanaad + tobonaad sida 39 + 14.

39 + 14 =

Weydii su'aalaha isku darka & kala-goynta.

Nolosha maalin walba, waydii suaalaha iskudarka iyo kalajarka mudo  10 gudohood. Tusaale ahaan, “Waxaa kuugu jira boorosada  saddex qalin qori, anigana waxaa iigu jira boorsada lix qalin qori. Meeqo qalin qori ayaan haysanaa marka la iskudaro dhamaan?”  

3 + 6 =

Kala sooc oo tiri lacag

Qadaadiicda ukala saar diinaar, nikel iyo dimes. Raadi  qiimaha koox qadaadic ah, ilaa hal doolar.

Wada Ciyaar Ciyaaraha

Isla ciyaara ciyaarta turubka iyo safiitada geemka kuwaa  oo u isticmaala xisaabta xeelada ama dhibco kordhin.

Wada kariya

La kari cuntada canugaaga weydiina iyaga in ay kaa caawiyaan  tirinta, iskudar, isku barbardhig caddada maadooyinka cuntada.

Farshaxanka Luuqadda Ingiriisiga ee Ardayda 1aad

Waxa ay tahay in ardaydu ogaadaan oo ay awoodaan inay sameeyaan

Qaababka loola hadlo macalimiinta

Xidhiidh adag oo ka dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah hubinta ardayda inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan. Ku lug lahaanshaha waalidku kaliya ma keenayso darajooyin sare iyo buundooyin imtixaan, laakiin sidoo kale waxay ka caawisaa ardayda inay yeeshaan kalsooni, dhiirigelin, iyo xirfado bulsho. Ogaanshaha su’aalaha la waydiinayo booqashooyinka dugsiga iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho ee ilmahaaga.

Sareeyaha waa tirada sare ee jajabka. Waxay ina tusaysaa inta qayb ee aan haysano. Hooseeyaha waa tirada hoose ee jajabka. Waxay ina tusaysaa inta qayb ee ku jirta dhamaan. 

Gadaal kgale waa koox xarfo ah oo lagu daray dhamadka erayga. Gadaal galaha wuu badali karaa micnaha ereyga. Ku darida ‘’less’’, dhamaadka erayga ‘’end’ (dhamaad)’ wuxuu u badalayaa micnaha ‘’aan dhamaad lahayn’’ gadaal galaha wuxuu kaloo badali karaa sida ereyga loo isticmalo. Magaca ‘’child’’ (canug) wuxuu noqonayaa sifo ‘’childish’’ (caruurnimo) markaad ku darto gadaal galaha ‘’ish’’. 

Hor-gale waa koox xarfo ah oo lagu daray bilowga erey taasoo badalaysa micnihiisa. Ku darida ‘’un” ereyga hortiisa “clean’’ waxay ka dhigaysaa ‘’aan nadiif ahayan’’. Hor-galeyaasha kale ee guud waxay yihiin ‘’re’’, ‘’dis’’, ‘’over’’, ‘’out’’. 

God walba oo tiro ku jira waxaa uu leeyahay qiimo saldhig u ah booskiisa uu kaga jiro tirada. Tusaale ahaan, nambarka 548, godka 5 waxaa uu ku jiraa booska boqolaad ee qiimaha booska, qiimeynta booskiisa waa 500. Godka 4, waxa uu ku jiraa booska tobnaad, qiimaha booskiisa waa 40. Godka 8 waxa uu ku jiraa booska koowaad, qiimaha booskiisana waa 8. 

Buugaagta leh dhawaaq iyo higad isla socoto ee macalimiinta ay horay fasalka ugu bareen. Ardayda way higaadiin karaan am ku dhaqaaqi karaan inta badan ereyada ku jira qoraalka. 

Adigoo isticmaalaya xiriirka xarfaha iyo dhawaaqa ee sida saxda ah loogu dhawaaqo ereyada. Tusaale ahaan, caruurta baratay dhawaaqa ingiriiska /a/, /c/, & /t/ way kala saari karaan “cat.” 

Markay ardayda baranayaan qorida, waxay qoraan dhawaqa ay maqlaan. Waxaa laga yaabaa in aysan si sax ah u higaadinin ereyada. Tani waxay macalimiinta ugu yeeraan “Higaad hal-abuur leh”. Ardayda waxay isticmaalaan iskuxerka xarfaha iyo dhawaaqa lagu baray iskuulka si ay ugu dhawaaqaan ereyo. Muhiimad badan malahan in aad higaad sax ah haysato. 

Buugagta leh dhawaaqa iyo higaada isla socda ee macalimiinta horay ugu bareen fasalka ardayda way kala saari karaan ama ku dhawaaqi karaan ereyada intooda badan ee ku jira qoraalka. 

Garashada dhawaaqa luqad. Tusaale, jiibta, shibbanesyaasha iyo dhawaaqyada kujira ereyada. 

Ereyadu waxay ka samaysan yihiin dhawaqyo gaar-gaar ah oo loo yaqano dhawaq ereyeed. Caruurtu waa in ay ku tababartaan garashada, soo saarista, iyo isku aaddinta codadkaan gaarka ah. 

Xirfadaha loo baahan yahay in wax lagu akhriyo, la qoro, iyo lagu hadlo. 

Awooda akhriska & qoraalka. Ardaydu waxay ku fiicnaadaan xagga akhris-qoraalka iyo wax-akhriska cad iyo tilmaamo gaar ah & qabasho ahaanba. 

Marka aynu naqaano kalmad anagoon ka dhawaaqin. Akhristayaasha wanaagsani waxay tan ku sameeyaan kelmado aad u caan ah ama erayo aan raacin “sharciyada” dhawaaqa erayada. 

Waa jajab sareeyaha uu ka badan yahay hooseeyaha, sida 7/6. 

Waa lambar ka kooban labadaba tiro idil iyo jajab sida 1 3/8 

Sareeyuhu waa tirada kore ee jajabka. Wuxuu muujinayaa tirada qaybaha aan haysano. Hooseeyuhu waa lambarka hoose ee jajabka. Wuxuu muujinayaa qaybaha kujira tirada ee shayga oo dhan. 

Waa koox ereyo ah kuwaas oo micnahoodu yahay wax ka duwan waxa ay luuqad ahaan sheegayaan. Tusaale ahaan: “eeyaha iyo bisadaha ayaa da’aya” micnaheedu waa “in roob mahiigaan ah da’ayo” iyo “jab keeg ah,” micnaheedu waa shay ay fududahay in la sameeyo.” 

Waa ereyada midba midka kale kasoo horjeedo micno ahaan. “Weyn” iyo “yar” waa kuwo iska soo horjeeda.

Ereyada isku micnaha ah waa ereyada micne ahaan iskumidka ah. “Weyn” iyo “xajmi leh” waa isku micne. 

Marka ardaydu wax u akhrin karaan si xawli ah, sax ah, ayna isticmaalaan astaamo muujinaya in ay fahmeen waxa ay akhrinayaan. 

Badi-dhecuhu waa tirada soo laalaabanaysa inta ugu badan ee xogta. Majiri karo badi-dhece haddii dhammaan tirooyinku usoo laalaabanayaan si iskumid ah. Waxaa jiri kara wax ka badan hal badi-dhece haddii tirooyin badan la arkay inta ugu badan inay soo noqnoqdeen. 

Kaddib marka la habeeyo xogta ayada oo laga soo bilaabayo kan ugu yar laguna keenayo kan ugu badan, dhexfurku waa qiimaha kujira bartanka xogta. 

Celcelisku mararka qaar waxaa loo yaqaan celcelis. Celceliska waxaa lagu helaa iyada oo la isku darayo dhammaan qiimeyaasha xogta kaddibna loo qaybinayo wadarta tirada guud ee qiimeyaasha. 

Bedka oogada sare waa caddadka banaanka kore ee qaab saddex dhinac leh. 


Xiriirka ka dhexeeya laba qaybood oo tirooyin ah oo aan isle’ekayn. Ismale’egyadu waxaa sida caadiga ah kamid ah lambar aan la garanayn. Tusaale ahaan, 7x < 28

Waa xiriirka ka dhexeeya caddadka laba shay ama kasii badan. Tusaale ahaan, haddii saamiga u dhexeeya wiilasha iyo gabdhaha ee fasalka uu yahay 12:15, haddaba waxaa fasalka dhigata 12 wiil iyo 15 gabdhood. 

Dhufsaneyaashu waa tirooyinka aad hesho marka aad isku dhufato tiro iyo tiro idil. Tusaale ahaan, dhufsaneyaasha 5 waa: 10, 15, 20, 25, 30…iwm. 

Isiradu waa tirooyinka aanu isku dhufan karno si aan u helno tiro kale. Tusaale ahaan, 2 iyo 3 waa isirada 6 sababtoo ah 2 lagu dhuftay 3 waxay lamid tahay 6. 

Adiga oo ereyadaada ku beddelaya jumlada ama baaragaraafka. 

Waa tibix qeexaysa xiriirka ka dhexeeya hal doorsoome (doorsoome madax banaan) iyo doorsoome kale (doorsoome madax banaan). Haddii fansaarku yahay mid xarriiq toos ah, kaddibna marka garaaf lagu sameeyo salaxa baraha kulanka, waxay abuuri doontaa xarriiq toos ah oo leh tiiro ma doorsoome ah. 

Qormo saynis waa qaab loo muujinaya tirooyinka aadka u weyn ama aadka u yar in si fudud loo qoro. Tusaale ahaan tirada 0.0000000000073 waxaa si fudud loogu qori karaa 7.3 x 10-12 

Xididka laba jibbaaran waa isirka tiro taasoo, markii isla ayada la isku dhufto keenaysa tiradii hore. Tusaale ahaan, 5 iyo –5 labaduba waa xidid laba jibaaranaha 25. 

Tirooyinka, calaamadaha, iyo shaqooyinka (sida + iyo ) la isu keeno kuwaas oo muujinaya qiimaha shay. Tusaale ahaan, y + 4 waa tibix, sidoo kale 3 − x/2 iyaduna waa tibix. 

Waa suurtagalnimad uu shay ku dhici karo. Ixtimaalka waxaa lagu muujiyaa jajab tobanle ahaan ama jajab laga bilaabo 0-1 ama boqoley ahaan laga bilaabo 0-100%. Tusaale ahaan, ixtimaalka tuurista shilin iyo in uu soo baxo “xarash” waa .5, 1/2, ama 50%. 

Caddadka goob 3 dhinac leh (3D) oo uu shay gali karo. Muggu wuxuu noo sheegayaa caddadka aan u baahanahy si aan shayga u buuxinno. Tusaale ahaan, caddadka biyaha loo baahan yahay si dhalo loo buuxiyo. Mugga shayga waxaan ku cabirnaa cabirro saddex jibaaran sida sintimitiro saddex jibaaran, injiyo saddex jibaaran, talaabo saddex jibaaran, iyo wixii lamid ah. 

Meerisku waa masaafada qaab ku wareegsan. Waxaa lagu helo iskudarista dhererka dhinacyada oo dhan. Marka la eego goobo, meerisku wuxuu s aamigal u yahay dhexroorka isir ahaan.π . 

Doorsoomuhu wuxuu u tagaan yahay qiimo tiro aan la aqoon oo kujira isle’eg ama tibix xisaab ah. Doorsoomeyaasha waxaa lagu muujiyaa calaamado (sida caadiga ah xaraf). 

Waa jumlad laba shay isle’egyihiin. Isle’egtu waxay inta badan leedahay laba tiro oo aan la garanayn (kuwaas oo loo yaqaano doorsoomeyaal) waxaana loo muujiyaa xaraf ahaan. Tusaale ahaan: 3b + 5 = 14

Kujibaarane waxaa loola jeedaa inta jeer ee tirada asalka ah la isku dhufanayo. 

Tibxaha isu dhigma waa tibxaha u shaqeeya qaab iskumid ah inkasta oo ay u muuqdaan in ay kala duwanyihiin. Haddii laba tibxood ay isu dhigmaan, haddaba labada tibxood waxay leeyihiin qiimo iskumid ah marka la galiyo qiimaha iskumidka ah ee doorsoomaha. Tusaale ahaan, 2x + x + x waxay u dhigantaa 4x

Masaafada lambar uu kasoo bilaabmo eber. Calaamadda “|” ayaa la dhigaa labada dhinac ee tirada si loogu micneeyo qiimaha sugan, sidaa darteed qiimaha sugan ee x waxaa loo qoraa |x|. 

|4| = 4 |-5| = 5

Astaamaha aljebra waxay qeexayaan qaababka kala duwan ee tiro la iskugu keeni karo. Ardayda fasalka 7aad waa in ay u fududaataa adeegsiga astaamaha aljebrada ee isu soocidda, isu aruurinta iyo kala soocidda. 

Hanaanka xisaab-faladu waa xeer noo sheegaya nidaamka aan u xalinno tibxo talaabooyin badan leh. Nidaamka aan raacayno waxaa lagu xasuusan karaa ereyada lasoo gaabiyay ee PEMDAS:

1. Parentheses (Bilo)
2. Exponents (Ku jibaaraneyaasha)
3. Multiplication & Division(Isku dhufasho iyo Isku qaybin) laga bilaabayo bidixda ilaa midigta
4. Addition & Subtraction(Kudar iyo Kajar) laga bilaabayo bidixda ilaa midigta 

Tirada lakabka ah waa tirada lagu muujin karo in uu yahay jajabka laba lambar. Tirada aan lakabka ahayn laguma muujin karo jajab ahaan. Jajab tobanluhu ma ahan tiro lakab ah haddii uusan waligiis dhammaanayn uusanna lahayn qaab soo noqonoqanaya. 

Baraha sallaxu waa sallax simman oo ay sameeyeen isgoyska xariiqa lambar taagan oo loo yaqaan dhidibka-y iyo xariiqa lambarka jiifa ee dhidibka-x. Kuwaani xariiqyada isku qotoma ee iska goynaya eber, bartaanna waxaa loogu yeeraa bar-boilowga. 

Waa xiriir u dhexeeya laba caddad oo kala duwan kaasoo hal caddad uu yahay ma doorsoome kasoo tarmay caddad kale. Tusaale ahaan, quraanjo kasta waxay leedahay 6 lugood, sidaa darteed buulka quraanjada, wadarta tirada luguhu waxay lix jeer ka badan tahay tirada quraanjada. Sidaa darteed, tirada luguhu waxay saamigal ku tahay tirada quraanjada. 


Jumlad soo koobid ah waa hal ama laba jumladood oo soo koobaya fikradda guud ee qoraalka. 

Luuqadda sharraxaada waxay isticmaashaa qaybaha hadalka si ay u noqoto mid xiiso leh, waxtar leh, saamaynna leh. Tusaale ahaan: “Dhogorta eygaygu waxay u madowdahay sidii dhuxushii.” “Waxay dareemaysaa buluug.”“Wuxuu ku dagaalamay awood libaax.” Ardayda fasalka 7aad waa in ay isticmaalaan mowduuca si ay u helaan micnaha luuqadda sharraxaada ayna ogaadaan in ay tani ka duwan tahay micnaha dhabta ah ee ereyada. 

Macluumaadka ku saabsan qof kujira internetka oo ay sabab u tahay hawshiisa onlaynka. Arrintaan waxaa kamid ah baraha bulshada, sawiraanta, iibka onlaynka ah iyo dib u eegisyada, lambar sireedyada, iyo rukumashada, iyo noocyada kale. 

Waa hannaan heer u samayn oo caan ah oo ay adeegsadaan ardayda, macalimiinta, iyo waalidiinta si loo muujiyo laba shay:

1) Heerka wax akhriska ardayga 2) Adaygga qoraalka

Waxaad ka heli kartaa tirada Lexile qaybta danbe ee buugga ama adiga oo ciwaanka ka raadinaya www.lexile.com. Heerarka lexile ee fasalka ku haboon: Fasalka 6-8 heerka 925–1185 

Sheegashada shaqada qof kale ama fikraddiisa in aad adigu leedahay. 

Tani waxay tusaale u tahay hanuuninta

Lorem ipsum odor amet, consectetuer adipiscing elit.

The numeric value of a digit in a number. The value of the digit is based on its position in the number. See the chart below for the number 4,367.082.