Hagaha Maqnaanshaha Qoyska

Waxaanu wadajir ka nahay arrintan. Si fiican ayaad u taqaanaa ilmahaaga. Codkaagu waa muhiim. Wada shaqaynta iskuulada iyo qoysaska waxay ka caawin kartaa ardayda inay guulaystaan—maalinba mar.

Ku Saabsan Maqnaanshaha

Waa maxay Maqnaanshaha Joogtada ah?

Wuxuu dhacaa marka arday uu iskuulka ka maqnaado wax badan – kaliya 2 maalmood bishi waxay ka dhigan tahay inaad si joogto ah u maqan tahay. Tani waxaa ka mid ah maqnaanshiyaasha cudur-daarka leh iyo kuwa aan cudur-daarka lahayn, iyo sidoo kale cayrinta.

Maxaa Ka Dhacaya Minnesota?

Tan iyo marki uu dillaacay COVID-19, arday badan ayaa ka maqan iskuulka. Sanadki 2023, ku dhawaad 200,000 oo arday oo ku dhaqan Minnesota ayaa si joogta ah uga maqnaa iskuulada. 

Ardayda ka soo jeeda qoysaska danyarta ah iyo bulshooyinka aan caddaanka ahayn ayaa ay si wayn u saamaysay – ardayda danyarta ah ayaa ay labo jeer u badan tahay inay si joogta ah u maqnaadaan. 

Maxaa ay Muhiim U Tahay?

Marka ardaydu ay waxbadan ka maqnaadaan iskuulka, waxaa ku imaan kara dib-u-dhac. Tani waxa ay adkayn kartaa:

  • Inay bartaan akhriska, qoraalka, iyo xisaabta
  • Inay dareemaan inay qayb ka yihiin iskuulka
  • Inay ka qalin-jebiyaan dugsiga sare

Ka maqnaanshaha iskuulka ee fasalka 9aad waxay xitaa saadaalin kartaa in ardayga uu dhammayn doono dugsiga sare iyo in kale.

Warka Wanaagsan?

Marka qoysaska, iskuulada, iyo bulshooyinka ay wada shaqeeyaan, soo xaadiritaanka waa uu soo hagaagi karaa ardayduna horumar ayay gaari karaan.

Waxa Qoysaska Ay Noo Sheegeen

Waxaanu la hadalnay 135 isugu jira waalidiin iyo daryeelayaal – oo intooda badan isugu jiray qoysas danyar ah iyo bulshooyinka aan caddaanka ahayn – oo aan kala hadalnay soo xaadiritaanka iskuulka. Waa kuwan wixi aan ka maqalnay:

  1. Qoysasku ma garowsana inta maalmood ee ay ubadkoodu maqnaadaan – Waalidiinta badankooda waxay la ahayd in ubadkoodu maqnaayeen wax ka yar kuwa kale, balse diiwaanada iskuulka waxay muujinayaan in arday badan ay maqnaadaan wax ka badan inta qoysaska ay garowsan yihiin.
  2. Qoysasku waxay ku wareersan yihiin siyaasadaha xanuunsashada – Waalidiin badan waxay sheegeen in aysan fahamsaneen marka canugga lagu reebayo guriga iyo marka ay caadi tahay in loo diro iskuulka. Shuruuc cad oo ay leeyihiin iskuulada ayaa maqan.
  3. Ardayda iyo qoysaska soo dhawayn kuma dareemaan iskuulada –Ardayda iyo qoysaska soo dhawayn kuma dareemaan iskuulada – Caafimaadka dhimirka iyo ka-tirsanaanta ayaa ah sababaha ugu waawayn ee ay ardaydu u joogaan guryaha. Qoysaska madow, si gaar ah, waxay sheegeen in ubadkooda ay dareemaan in si qaldan loo fahmo ama in si aan caddaalad ahayn ula dhaqmaan shaqaalaha iskuulka.

Khuraafaadka Maqnaanshaha

Xaqiiq: Wakhti kasta oo laga maqnaado iskuulka – ha ahaado mid cudur-daar leh ama mid aan cudur-daar lahayn – waa wakhti ka lumay waxbarashada. Maqnaanshaha joogtada ah sababti ay noqotaba waxay saamayn xun ku yeelataa koritaanka bulsho, shucuureed, iyo tacliimeed ee ardayga.
Xaqiiq: Soo xaadiritaanku waa u muhiim ardayda da’ kasta. Ka maqnaanshaha iskuulka ee fasalada hore waxay keeni kartaa damiinimada fasalada dambe.
Xaqiiq: Maqnaanshaha kaliya labo maalin bishi micnaheedu waa in ardaygaagu u maqan yahay si joogta ah. Labo maalin bil kasta waxay isku noqonayaan bil dhan marka la gaaro dhammaadka sanad dugsiyeedka.
Xaqiiq: Soo gudida shaqada dhaaftay ma badali karto wakhtiga waxbarashada ee lala qaato macalimiinta iyo ardayda isku fasalka ah. Wax barashadu way ka badan tahay shaqada guriga. Xitaa marka ardaydu ay dhammeystiraan shaqadi dhaaftay, waxay seegaan waxbarasho fasal oo qiimo badan iyo wakhti bulsho.

Waxa Aad Samayn Karto

Marka La Joogo Guriga
  • Jadwal u yeel hurdada iyo diyaargarowga
  • Waydii ubadkaaga sida ay u arkaan iskuulka
  • Ballamaha u muddee saacadaha iskuulka kadib
  • Dabagal maalmaha laga maqnaa iskuulka—maalin kasta waa muhiim
  • Ku lug yeelo iskuulkaaga – qoysaska ku lug yeesha waxay badanaa horseedaan soo xaadiritaan xooggan
Haddii Canugaagu Ka Maqnaado Iskuulka
  • Wac qaybta qaabilaada iskuulka ama taleefan lambarka soo xaadiritaanka una sharrax sababta
  • Waydii wixi shaqo fasal ah ee dhaafay
  • Ka caawi inuu canugu ku laabto iskuulka isagoo dareemayo in la taageerayo, isagoon walbahaarsanayn
Su’aalaha La Waydiiyo Macalinka Canugaaga
  • Meeqa maalmood ayuu canugaygu maqnaa ilaa iyo hadda?
  • Waa maxay siyaasadda u dagsan marka canugaygu jirran yahay?
  • Waa maxay taageerooyinka la heli karo haddii canugayga la dhibtoonayo caafimaadka dhimirka?
  • Yaa jooga iskuulka oo ila soo socodsiin doona marka canugayga uu ka maqnaado fasalka?
  • Sidee uga wada shaqayn karnaa haddii canugayga ay haystaan arrimo habdhaqan-xumo ama arrimo fasalka ah?

Waxaanu wadajir ka nahay arrintan.

Si fiican ayaad u taqaanaa ilmahaaga. Codkaagu waa muhiim. Wada shaqaynta iskuulada iyo qoysaska waxay ka caawin kartaa ardayda inay guulaystaan—maalinba mar.

Ma u baahan tahay caawimo? Waydii iskuulkaaga ama la xiriir mid ka mid ah kheyraadka hoose:

Be@School (Hennepin County)

  • be.at.school@hennepin.us
  • 612-348-6041

School Attendance Matters (Ramsey County)

  • RCAOSAMInfo@ramseycounty.us
  • 651-266-3238

Attendance Works (National)

HealthyChildren.org

Waad ku mahadsan tahay shuraakadayada bulshada ee naga caawiyay isku xidhka qoysaska iyo horumarinta qalabkan