La hadalka macalimiinta

Xiriir xooggan oo u dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah xaqiijinta in ardaydu ay haystaan waxa ay u baahan yihiin si ay u guuleystaan. Ku lug lahaanshaha waalidka kaliya ma horseedo buundooyinka iyo dhibcaha imtixaanka ee sare, balse sidoo kale waxa ay ardayda ka caawisaa in ay yeeshaan isku kalsoonaan, dhiirigelin, iyo xirfadaha bulshada. Ogaanshaha su’aalaha la weydiiyo booqashooyinka iskuulka iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxa ay kaa caawin kartaa in aad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha tacliimeed ee canugaaga.

Group of monsters

Ku Lug Yeelo
Waxbarashada Ubadkaaga

Qoysasku waxay doonayaan in ay ogaadaan waxa canuggoodu uu dugsiga ku barto. Waa macalinka koowaad iyo kan ugu muhiimsan canugga. Su’aalaha soo socda waxaa loogu talagalay in qoysaska looga caawiyo in ay la shaqeeyaan macalimiinta si ardayda looga caawiyo in ay koraan oo ay guuleystaan.

Faniga Luuqadda Ingiriisiga

  • Sidee u xulataan qoraallada waxyaabaha qoran? Canugeygu ma ku arki doonaa dad & mowduucyo matalo isaga, asalkiisa & aqoonsigiisa? Ma ku baran doonaa aragtiyo cusub & wax ku saabsan dad kala duwan iyada oo loo marayo waxyaabaha qoran ee fasalka?
  • Waa maxay mowduucyada ay carruurtu ku baranayaan wax akhrinta? Muxuu canugaygu awood u yeelan doonaa in uu fahmo, qoro, kana hadlo oo ka imaanaya waxa uu akhriyay? Mowduucyada kujira taariikhda? Mowduucyada kujira sayniska?
  • Immisa jeer ayuu canugeygu si madax bannaan u akhriyaa qoraalka heerka fasalka? Haddii uusan si madax bannaan u akhrineynin qoraalka heerka fasalka, waa maxay sababta aanu u akhrineynin? Sidee ayaad u taageereysaan baahiyaha akhriska ee canugeyga walina u siineysaan qoraalka heerka fasalka? Sidee ayaan u caawin karaa? (Fasalka 2aad iyo ka kor)
  • Waa maxay waxyaabaha uu ku wanaagsan yahay canugeyga, sideese ugu isticmaashaan waxbaridda?
  • Waa maxay noocyada buugaagta uu canugeygu akhriyo xilliga wax akhrinta madaxa bannaan? Ma waxa uu ku kooban yahay heer wax akhrin oo gaar ah?
  • Ma i tusi kartaan natiijooyinka imtixaankii baraarugga dhawaqa ereyada ee ugu dambeeyay ee canugayga?
  • Canugeygu ma haystaa fursad uu ku far barto waxna ku qoro si joogta ah fasalka dhexdiisa?
  • Canugeygu wax ma u qorayaa si cad oo la akhrin karo, iyo jumlado dhammeystiran?
  • Ma itusi kartaan saambal ka mid ah wax qorista canugeyga?
  • Intee jeer ayuu canuggaygu wax ka qoraa waxa uu akhriyay ama uu bartay? Wax intee le’eg ayuu canugeygu ku qoraa halki xiisad fasal? Sidee ayuu hannaanka muraajacada ee caadiga ah u eg yahay fasalka dhexdiisa? (Fasalka 4aad iyo ka kor)
  • Ma bixin kartaan dhawr tusaale oo ku saabsan wax qoridda canugeyga, oo ay ku jiraan qabyo-qoraallo badan oo isla hal leyli ah? Waa kuwee dhinacyada wax qoridda ee heerka fasal ah ee uu canugeygu muujiyay in uu si fiican u bartay muxuuse ka shaqeynayaa? Sidee ayaan uga taageeri karaa canugeyga in uu si fiican u barto xirfadahaan? (Fasalka 4aad iyo ka kor)
  • Canugeygu ma awoodaa in uu u hadlo, wax u sawiro, ama wax u qoro siyaabo idin tusi kara in uu fahmay waxa uu akhrinayo uuna baranayo? Haddii aysan sidaa ahayn, maxaa caqabad ku ah?
  • Waa maxay xarfaha iyo dhawaaqyada ay ahayd in canugaygu si fiican u barto xilligan sanadka? Canugeygu si fiican ma u bartay dhawaqyadaan? Canugeygu ma haystaa fursad uu ku akhriyo qoraallada oo ka caawineysa in uu bar-barto ku dhawaaqidda ereyada uu baranayo? Xaqiiji in aad ka hadasho waxa aad ku arkayso guriga
  • Canugeygu maka hadli karaa mana dhageysan karaa doodaha iyo wada-hadallada fasalka? Canuggaygu ma idin tusi karaa in uu fahmay waxa uu akhrinayo iyo waxa uu baranayo? Haddii aysan sidaa ahayn, maxaa caqabad ku ah? (Fasalka 2aad iyo ka kor)

Xisaabta

  • Waa maxay noocyada mas’alooyinka ay carruurtu sannadkan baranayaan sida loo xaliyo?
  • Qaabkee canuggaygu u wajahaa hawlaha xisaabta ee adag?
  • Sidee ugu dhiirigelin karaa in uu barto cashar adag?
  • Ma i tusi kartaan natiijooyinka imtixaankii xisaabta ee ugu dambeeyay ee canuggayga? 
  • Sidee ayuu canugayga horumar uga samaynayaa fahamkiisa casharada muhiimka ah ee fasalka? Ma ila wadaagi kartaan warbixino gaar ah?
  • Waa maxay waxyaabaha loo baahan yahay in canuggaygu fahmo kana hadlo ee waxyaabihii uu bartay?
  • Canuggaygu ma idin tusi karaa in uu fahmay waxa uu bartay? Haddii aysan sidaa ahayn, maxaa caqabad ku ah? Sidee ayaan u caawin karaa?
  • Sidee ayaan barashada xisaabta uga dhigi karaa mid wanaagsan?
  • Sidee ayaan u taageeri karaa kuna dhiirigelin karaa ardaygayga inuu mas’uul ka noqdo waxbarashadiisa?
How Students Learn To Read

Ma ubaahan tahay in lagaa caawiyo in aad la xiriirto macalimiinta?

Nala soo xiriir si aad ula xiriirto u doode qoys.