Fasalka 6aad
Qoysasku waxay doonayaan in ay ogaadaan waxa canuggoodu uu dugsiga ku barto. Waa macalinka koowaad – iyo kan ugu muhiimsan canugga.
Hagahani waxa uu kaa caawin doonaa in aad fahamto nuxurka ugu muhiimsan (cilmiga & xirfadaha) ee ay tahay in canugaadu ogaado iyo siyaabaha aad ku taageeri karto waxbarashada ubadkaaga inta ay ku jiraan fasalka 6aad.

Ka hor inta aadan bilaabin…
Ka caawi canugaada in uu ku guuleysto (uuna jeclaado) iskuulka sanadkan! Sidi ciyaarta oo kale, canugaagu ha sameeyo su’aashan onlaynka ee degdegga ah si aad u aragto sida uu ku yahay wax akhrinta iyo xisaabta.
Kadib, sahmi kheyraadkeena si aad uga hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan filashooyinka heerka fasalka ah, tusaalooyinka shaqada ardayga, iyo waxqabadyada lagu taageero waxbarashada.

Farshazanka Luuqadda Ingiriisiga
Fiiri xirfadaha uu ilmahaagu ku baran doono Farshaxanka Luuqadda Ingiriisiga, tusaalooyinka shaqada ardayga iyo sida aad guriga uga caawin karto.
Xisaabta
Fiiri xirfadaha uu ilmahaagu ku baran doono Xisaabta, tusaalooyinka shaqada ardayga iyo sida aad guriga uga caawin karto.
Qaababka loola hadlo macalimiinta
Xidhiidh adag oo ka dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah hubinta ardayda inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan. Ku lug lahaanshaha waalidku kaliya ma keenayso darajooyin sare iyo buundooyin imtixaan, laakiin sidoo kale waxay ka caawisaa ardayda inay yeeshaan kalsooni, dhiirigelin, iyo xirfado bulsho. Ogaanshaha su’aalaha la waydiinayo booqashooyinka dugsiga iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho ee ilmahaaga.
