Dugsiga Ka Horreeya Dugsiga Xanaanada

Heerka Fasalka

Qoysasku waxay doonayaan in ay ogaadaan waxa loo baahan yahay in canuggoodu ogaado si uu ugu diyaar garoobo dugsiga barbaarinta ubadka. Waa macalinka koowaad – iyo kan ugu muhiimsan canugga.

Haddii canugaaga uu dhigto dugsiga hore ee barbaarinta iyo haddii kalaba, hagahani waxa uu kaa caawin doonaa in aad fahamto nuxurka ugu muhiimsan (cilmiga & xirfadaha) ee ay tahay in canugaadu ogaado si uu ugu diyaargaroobo Dugsiga Barbaarinta Ubadka iyo siyaabaha aad ku taageeri karto waxbarashada ubadkaaga.

Ka hor inta aadan bilaabin…

Ka caawi canugaada in uu ku guuleysto (uuna jeclaado) iskuulka sanadkan! Sidi ciyaarta oo kale, canugaagu ha sameeyo su’aashan onlaynka ee degdegga ah si aad u aragto sida uu ku yahay wax akhrinta iyo xisaabta.

Kadib, sahmi kheyraadkeena si aad uga hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan filashooyinka heerka fasalka ah, tusaalooyinka shaqada ardayga, iyo waxqabadyada lagu taageero waxbarashada.

Dhammaan carruurtu waa in ay maraan baaritaanka hubinta ah ee ka horreeya dugsiga barbaarinta ubadka kaasoo uu  marinayo dugsiga degmadu. Waxaa wanaagsan in canuggaagu  baaritaankaan uu maro marka uu 3 sanno jirka yahay. Waa  mid bilaash ah diyaarna u ah dhammaan carruurta ayada oo aan loo eegayn marxaladda soogalootinimada ee ay kujiraan.  Si aad u hesho xarunta baaritaanka ee kuugu dhow, wac 651-582-8412. Baaritaanku wuxuu canugga ka caawinayaa in uu dareemo in uu u diyaarsan yahay dugsiga barbaarinta ubadka. Wuxuu ka caawin karaa in qoysasku helaan qaabab cusub oo canugoodu wax ku baran karo kuna kori karo. 

Faniga Luuqadda Ingiriisiga ee Dugsiga Ka Horreeya Dugsiga Xanaanada

Rajada Ardayda
Preschool student

Rajada Ardayda

Hawlaha lagu taageerayo Waxbarashada

Hawlaha lagu taageerayo Waxbarashada

Xisaabta ee Dugsiga Ka Horreeya Dugsiga Xanaanada

Lorem ipsum dolor sit amet consectetur. Tincidunt lectus a sed. Orci eget nec feugiat elementum auctor sit tellus urna. Suspendisse integer condimentum gravida vitae. Et aenean pretium non felis vitae. Donec sollicitudin eleifend amet rhoncus magna. Ut aenean risus sed convallis.

Rajada Ardayda

Rajada Ardayda

Hawlaha lagu taageerayo Waxbarashada

Hawlaha lagu taageerayo Waxbarashada

La Soo Deg Hagaha

Dhammaan hagayaasha ayaa la daabacan karaa. Booqo greatmnschools.org si aad ula soo degto nuqulkaaga!

Qaababka loola hadlo macalimiinta

Xidhiidh adag oo ka dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah hubinta ardayda inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan. Ku lug lahaanshaha waalidku kaliya ma keenayso darajooyin sare iyo buundooyin imtixaan, laakiin sidoo kale waxay ka caawisaa ardayda inay yeeshaan kalsooni, dhiirigelin, iyo xirfado bulsho. Ogaanshaha su’aalaha la waydiinayo booqashooyinka dugsiga iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho ee ilmahaaga.