Sida ardaygu ku barto sida wax loo akhriyo

Lorem ipsum dolor sit amet consectetur. Tincidunt lectus a sed. Orci eget nec feugiat elementum auctor sit tellus urna. Suspendisse integer condimentum gravida vitae. Et aenean pretium non felis vitae. Donec sollicitudin eleifend amet rhoncus magna. Ut aenean risus sed convallis.

Talo: dul rog icons si aad u aragto qeexida ereyada muhiimka ah

Sidee ayay ardaydu u bartaan wax akhrinta?

Marka carruurtu helaan wax-akhris cad oo gaar ah sannad kasta, oo loo yaqaan cilmiga akhriska ama akhris-qoraalka habaysan, 95% iyaga ka mid ah waxay baran karaan wax-akhrinta heerkooda fasalka. 

Dadku waxay u malayn jireen inay carruurtu ku bartaan sida wax loo akhriyo kaliya un inay buugaag ag joogaan, sida ay hadalka ku bartaan. Laakiin taasi run ma aha. Akhrisku waa wax ay tahay in la baro. Taasi waxay la macno tahay in aan u baahanahay in nala baro sida: 

1. Erayada ku yaala bogga loogu beddelo erayada aynu ka maqalno madaxeena (Aqoonsiga Erayga )

 2. Loo fahmo waxa aynu hadda akhrinay (Fahamka Luuqadda)

AQOONSIGA ERAYGA

Markaan akhrino, maskaxdeenu waxay raadinaysaa xarfaha oo waxay u rogaysaa dhawaaq aynu maqlayno. Xarfuhu waa sida koodhka taasoo samaynaysa dhawaaqyo kala duwan. Si aad ugu wanaagsanaato akhriska, ardaydu waxay baranayaan sida uu yahay dhawaaqa kelmad kastaa samaynayso. Tusaale, xarafka p wuxuu noqonayaa dhawaaqiisu sida a /p/, & xarfaha ph dhawaqa sida /f/. Ardaydu kaliya waxay baran karaan koodhka haddii qof uu baro

Tan waxa loogu yeedhaa dhawaqa erayada, taasooo macnaheedu tahay inaad ku dhawaaqdo kelmada adigoo isticmaalaya koodhka. Inta badan, caruurta waxay ku qaadataa laba ilaa saddex sano inay bartaan sida loo akhriyo Ingiriisiga. Ingiriisugu dhab ahaan waa khidad, maxaa yeelay wuxuu leeyahay xarfo badan & iskudar dhawaaq

Tani waa sababta ay muhiimka ugu tahay ardayda inay bartaan qaar kamid ah erayada markay arkaan, markaa way aqoonsan karaan oo ma aha in ay ka dhawaaqaan mar kasta. Habkaas, waxay aqoonsan karaan ereyada aan raacin xeerarka caadiga ah

Haddii carruurtu aanay baran xirfadahan aasaasiga ah ee dhawaaqa, badankoodu waxay ku adkaan doontaa inay si degdeg ah iyo si fudud u akhriyaan.

FAHAMKA LUQADDA 

Si ay ugu wanaagsanaadaan akhriska, ardaydu waxay u baahan yihiin inay bartaan wax kabadan sida loogu dhawaaqo erayada. Waxay kaloo u baahan yihiin inay fahmaan macnaha erayada.

  • Ogaanshaha mawduuca waxa ay akhrinayaan ayaa waxtar u leh fahamka. Xitaa haddii buuggu adag yahay, haddii uu ku saabsan yahay wax ay garanayaan, si fiican bay u fahmi doonaan qoraalka
  • Waxaan wax ku baran karnaa annagoo la kulma lafaheena & inoogoo u akhriyayna buugaagta. Akhrinta buugaag ku saabsan dhaqankeena waa muhiim, sidoo kale waxaan ku baran karnaa akhrinta Cilmiga Bulshada ama Sayniska. Taasi waa sababta ardaydu u bartaan sida loo akhriyo dhammaan maadooyinka, oo ay ku jiraan Cilmiga Bulshada & Sayniska. Waxay bartaan mawduucyo badan oo waxay bartaan erayo cusub, taas oo ka caawisa inay noqdaan akhristayaasha adag
  • Waa muhiim in la ogaado micnaha erayada badan si aad u noqoto akhriste wanaagsan. Madaxeena waxaan ku haynaa khariidad erayo ah, waxaanan ka dhigaynaa mid weyn marka aan barano erayo cusub. Inta badan erayada aan naqaano, waxaan ka baranay maqalkooda ama akhrintooda. Markasta oo aan xoojino erayadeena, waa markasta oo aynu fahmaynu waxaynu akhrinay
  • Akhrisku wuxuu ka dhigayaa eryadeenakuwa badan. Akhrisku wuxuu inaga caawinayaa inaan barano kelmado cusub kuwaasoo aynaan maqal markay dadku hadlayaan, iyo waxa ay yihiin micnaha erayadaasi. Marka dadka waawayni ay u akhriyayaan caruurta lagasoo bilaabo dhalashada, waxay ka caawinaysaa inay bartaan erayo badan oo ay noqdaan akhristayaal wanaagsan

Si ay ugu wanaagsanaadaan akhriska, ardaydu waxay u baahan yihiin inay akhriyaan buugaagta xiisaha leh oo waxay baranayaan hababka ay ku fahmi karaan. Kadibna, waxay u baahan yihiin fursado ay ku celceliyaan waxay barteen.

Macallimiintu waxay ka caawin karaan inay noqdaan akhristayaal wanaagsan iyagoo muujinaya inay fahmeen waxay akhriyeen, iyo iyagoo akhriyaya erayada cusub. Ogow waxa badan oo ku saabsan Aqoonta Akhriska adoo ka daalacanaya www.amplify.com/science-of-reading-handbook

Lahadal caruurtaada.

Way u muuqataa mid fudud, laakiin hadalku waa arrin-xitaa ka hor intaanay carruurtaadu

dib u hadlin. Waxay u baahan yihiin inay wax ka bartaan dhawaaqyada iyo erayada, waxaadna ku caawin kartaa inaad la hadasho, u heesto, oo aad kula ciyaarto laxanka.

Tag maktabada

Hel kaadhka maktabada oo hubi buugaagta laga heli karo maktabadaada maxaliga ah. Waa bilaash! Qof kastaa wuxuu heli karaa kaadhka maktabada, waxay doonto ha ahaato xaaladooda socdaal. Waxaad ku baran kartaa halka laga helo kaadhka maktabadda gobolka Hennepin: www.hclib.org/about/library-cards

Daawo calaamadaha marka wax qaldan yihiin

Haddii ilmahaagu uu ku qiyaaso kelmadaha, weyddii inay dhahaan dhammaan dhawaaqyada ereyga oo isku dhexdar. Haddii ay ku adag tahay inay taas sameeyaan, la hadal macalinka. Waxa laga yaabaa inay u baahdaan tababar dheeraad ah oo leh xarfaha & dhawaaqyada. Eeg hingaadooda, sidoo kale. Waa wax caadi ah in caruurtu ay bartaan higaada marka ay akhriyaan ka dib. Laakiin haddii ilmahaagu akhriyi karo ereyo badan laakiin aanu higgaadin, la hadal macalinka.

Ma rabtaa fikrado badan oo sidan oo kale ah? Gal EdNavigator’s “Hagaha Qoysaska Mashquulsan ee Dugsiga” ee www.EdNavigator.org/guide

Ku akhri guriga.

Waxaad ku caawin kartaa ilmahaaga adiga oo la akhriya buugaag ama in ay kuu akhriyaan. Markaad u akhrido, u ogolow inay ku dhawaaqaan kelmada.

Weydii macalinka ilmahaaga sida ay wax u baraan.

Hal su’aal oo muhiim ah oo ah, “Sidee baad u barataa codeeynta?” Waxa aad doonaysaa in aad maqasho wax la mid ah, “Waxaanu baranaa dhawaaqyada dhawaaqa si waadix ah & si nidaamsan.” Haddii jawaabtu tahay “ma barano dhawaaqa,” ama “waxaan ku baranaa dhawaaqa inta aan jidka ku jirno,” waxaa laga yaabaa in ilmahaagu aanu helin tilmaamaha ay u baahan yihiin. Hubi “Tallooyin ku saabsan la hadalka macallimiinta” qaybta xigta si aad u hesho su’aalo dheeraad ah oo la weydiiyo.

Weydiiso caawimo haddii ilmahaagu ay dhibaato ka haysato dhinaca akhriska

Bilawga fasalka labaad, ilmahaagu waa inuu awood u yeesho inuu si sahal ah u kala saaro erayada badidood. Haddii aysan awoodin, waxaa laga yaabaa inay u baahdaan tababar dheeraad ah, oo hadda waa waqtigii la heli lahaa. Ha sugin ilaa fasalka saddexaad ama afraad si aad caawimo u codsato. Markaas, waxay u baahan doonaan inay “wax u akhriyaan si ay wax u bartaan,” wayna ku adkaan doontaa inay la qabsadaan xirfadaha akhriska ee aasaasiga ah. Waxaad waydiisan kartaa dugsiga inuu tijaabiyo heerka wax-akhris ee ilmahaaga, dugsiguna waa inuu sameeyaa. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho macluumaadka aad rabto.1 Waxaad ka heli kartaa lacag la’aan, shaqsi ahaan ama casharo onlaayn ah adigoo u maraya maktabadda deegaankaaga, wax badan ka ogow halkan:

www.hclib.org/programs/homework-help

Get Help

Caawin Hel

Nala soo xiriir si aad taageero u gaar ah ugu hesho ardaygaaga

Sareeyaha waa tirada sare ee jajabka. Waxay ina tusaysaa inta qayb ee aan haysano. Hooseeyaha waa tirada hoose ee jajabka. Waxay ina tusaysaa inta qayb ee ku jirta dhamaan. 

Gadaal kgale waa koox xarfo ah oo lagu daray dhamadka erayga. Gadaal galaha wuu badali karaa micnaha ereyga. Ku darida ‘’less’’, dhamaadka erayga ‘’end’ (dhamaad)’ wuxuu u badalayaa micnaha ‘’aan dhamaad lahayn’’ gadaal galaha wuxuu kaloo badali karaa sida ereyga loo isticmalo. Magaca ‘’child’’ (canug) wuxuu noqonayaa sifo ‘’childish’’ (caruurnimo) markaad ku darto gadaal galaha ‘’ish’’. 

Hor-gale waa koox xarfo ah oo lagu daray bilowga erey taasoo badalaysa micnihiisa. Ku darida ‘’un” ereyga hortiisa “clean’’ waxay ka dhigaysaa ‘’aan nadiif ahayan’’. Hor-galeyaasha kale ee guud waxay yihiin ‘’re’’, ‘’dis’’, ‘’over’’, ‘’out’’. 

God walba oo tiro ku jira waxaa uu leeyahay qiimo saldhig u ah booskiisa uu kaga jiro tirada. Tusaale ahaan, nambarka 548, godka 5 waxaa uu ku jiraa booska boqolaad ee qiimaha booska, qiimeynta booskiisa waa 500. Godka 4, waxa uu ku jiraa booska tobnaad, qiimaha booskiisa waa 40. Godka 8 waxa uu ku jiraa booska koowaad, qiimaha booskiisana waa 8. 

Buugaagta leh dhawaaq iyo higad isla socoto ee macalimiinta ay horay fasalka ugu bareen. Ardayda way higaadiin karaan am ku dhaqaaqi karaan inta badan ereyada ku jira qoraalka. 

Adigoo isticmaalaya xiriirka xarfaha iyo dhawaaqa ee sida saxda ah loogu dhawaaqo ereyada. Tusaale ahaan, caruurta baratay dhawaaqa ingiriiska /a/, /c/, & /t/ way kala saari karaan “cat.” 

Markay ardayda baranayaan qorida, waxay qoraan dhawaqa ay maqlaan. Waxaa laga yaabaa in aysan si sax ah u higaadinin ereyada. Tani waxay macalimiinta ugu yeeraan “Higaad hal-abuur leh”. Ardayda waxay isticmaalaan iskuxerka xarfaha iyo dhawaaqa lagu baray iskuulka si ay ugu dhawaaqaan ereyo. Muhiimad badan malahan in aad higaad sax ah haysato. 

Buugagta leh dhawaaqa iyo higaada isla socda ee macalimiinta horay ugu bareen fasalka ardayda way kala saari karaan ama ku dhawaaqi karaan ereyada intooda badan ee ku jira qoraalka. 

Garashada dhawaaqa luqad. Tusaale, jiibta, shibbanesyaasha iyo dhawaaqyada kujira ereyada. 

Ereyadu waxay ka samaysan yihiin dhawaqyo gaar-gaar ah oo loo yaqano dhawaq ereyeed. Caruurtu waa in ay ku tababartaan garashada, soo saarista, iyo isku aaddinta codadkaan gaarka ah. 

Xirfadaha loo baahan yahay in wax lagu akhriyo, la qoro, iyo lagu hadlo. 

Awooda akhriska & qoraalka. Ardaydu waxay ku fiicnaadaan xagga akhris-qoraalka iyo wax-akhriska cad iyo tilmaamo gaar ah & qabasho ahaanba. 

Marka aynu naqaano kalmad anagoon ka dhawaaqin. Akhristayaasha wanaagsani waxay tan ku sameeyaan kelmado aad u caan ah ama erayo aan raacin “sharciyada” dhawaaqa erayada. 

Waa jajab sareeyaha uu ka badan yahay hooseeyaha, sida 7/6. 

Waa lambar ka kooban labadaba tiro idil iyo jajab sida 1 3/8 

Sareeyuhu waa tirada kore ee jajabka. Wuxuu muujinayaa tirada qaybaha aan haysano. Hooseeyuhu waa lambarka hoose ee jajabka. Wuxuu muujinayaa qaybaha kujira tirada ee shayga oo dhan. 

Waa koox ereyo ah kuwaas oo micnahoodu yahay wax ka duwan waxa ay luuqad ahaan sheegayaan. Tusaale ahaan: “eeyaha iyo bisadaha ayaa da’aya” micnaheedu waa “in roob mahiigaan ah da’ayo” iyo “jab keeg ah,” micnaheedu waa shay ay fududahay in la sameeyo.” 

Waa ereyada midba midka kale kasoo horjeedo micno ahaan. “Weyn” iyo “yar” waa kuwo iska soo horjeeda.

Ereyada isku micnaha ah waa ereyada micne ahaan iskumidka ah. “Weyn” iyo “xajmi leh” waa isku micne. 

Marka ardaydu wax u akhrin karaan si xawli ah, sax ah, ayna isticmaalaan astaamo muujinaya in ay fahmeen waxa ay akhrinayaan. 

Badi-dhecuhu waa tirada soo laalaabanaysa inta ugu badan ee xogta. Majiri karo badi-dhece haddii dhammaan tirooyinku usoo laalaabanayaan si iskumid ah. Waxaa jiri kara wax ka badan hal badi-dhece haddii tirooyin badan la arkay inta ugu badan inay soo noqnoqdeen. 

Kaddib marka la habeeyo xogta ayada oo laga soo bilaabayo kan ugu yar laguna keenayo kan ugu badan, dhexfurku waa qiimaha kujira bartanka xogta. 

Celcelisku mararka qaar waxaa loo yaqaan celcelis. Celceliska waxaa lagu helaa iyada oo la isku darayo dhammaan qiimeyaasha xogta kaddibna loo qaybinayo wadarta tirada guud ee qiimeyaasha. 

Bedka oogada sare waa caddadka banaanka kore ee qaab saddex dhinac leh. 


Xiriirka ka dhexeeya laba qaybood oo tirooyin ah oo aan isle’ekayn. Ismale’egyadu waxaa sida caadiga ah kamid ah lambar aan la garanayn. Tusaale ahaan, 7x < 28

Waa xiriirka ka dhexeeya caddadka laba shay ama kasii badan. Tusaale ahaan, haddii saamiga u dhexeeya wiilasha iyo gabdhaha ee fasalka uu yahay 12:15, haddaba waxaa fasalka dhigata 12 wiil iyo 15 gabdhood. 

Dhufsaneyaashu waa tirooyinka aad hesho marka aad isku dhufato tiro iyo tiro idil. Tusaale ahaan, dhufsaneyaasha 5 waa: 10, 15, 20, 25, 30…iwm. 

Isiradu waa tirooyinka aanu isku dhufan karno si aan u helno tiro kale. Tusaale ahaan, 2 iyo 3 waa isirada 6 sababtoo ah 2 lagu dhuftay 3 waxay lamid tahay 6. 

Adiga oo ereyadaada ku beddelaya jumlada ama baaragaraafka. 

Waa tibix qeexaysa xiriirka ka dhexeeya hal doorsoome (doorsoome madax banaan) iyo doorsoome kale (doorsoome madax banaan). Haddii fansaarku yahay mid xarriiq toos ah, kaddibna marka garaaf lagu sameeyo salaxa baraha kulanka, waxay abuuri doontaa xarriiq toos ah oo leh tiiro ma doorsoome ah. 

Qormo saynis waa qaab loo muujinaya tirooyinka aadka u weyn ama aadka u yar in si fudud loo qoro. Tusaale ahaan tirada 0.0000000000073 waxaa si fudud loogu qori karaa 7.3 x 10-12 

Xididka laba jibbaaran waa isirka tiro taasoo, markii isla ayada la isku dhufto keenaysa tiradii hore. Tusaale ahaan, 5 iyo –5 labaduba waa xidid laba jibaaranaha 25. 

Tirooyinka, calaamadaha, iyo shaqooyinka (sida + iyo ) la isu keeno kuwaas oo muujinaya qiimaha shay. Tusaale ahaan, y + 4 waa tibix, sidoo kale 3 − x/2 iyaduna waa tibix. 

Waa suurtagalnimad uu shay ku dhici karo. Ixtimaalka waxaa lagu muujiyaa jajab tobanle ahaan ama jajab laga bilaabo 0-1 ama boqoley ahaan laga bilaabo 0-100%. Tusaale ahaan, ixtimaalka tuurista shilin iyo in uu soo baxo “xarash” waa .5, 1/2, ama 50%. 

Caddadka goob 3 dhinac leh (3D) oo uu shay gali karo. Muggu wuxuu noo sheegayaa caddadka aan u baahanahy si aan shayga u buuxinno. Tusaale ahaan, caddadka biyaha loo baahan yahay si dhalo loo buuxiyo. Mugga shayga waxaan ku cabirnaa cabirro saddex jibaaran sida sintimitiro saddex jibaaran, injiyo saddex jibaaran, talaabo saddex jibaaran, iyo wixii lamid ah. 

Meerisku waa masaafada qaab ku wareegsan. Waxaa lagu helo iskudarista dhererka dhinacyada oo dhan. Marka la eego goobo, meerisku wuxuu s aamigal u yahay dhexroorka isir ahaan.π . 

Doorsoomuhu wuxuu u tagaan yahay qiimo tiro aan la aqoon oo kujira isle’eg ama tibix xisaab ah. Doorsoomeyaasha waxaa lagu muujiyaa calaamado (sida caadiga ah xaraf). 

Waa jumlad laba shay isle’egyihiin. Isle’egtu waxay inta badan leedahay laba tiro oo aan la garanayn (kuwaas oo loo yaqaano doorsoomeyaal) waxaana loo muujiyaa xaraf ahaan. Tusaale ahaan: 3b + 5 = 14

Kujibaarane waxaa loola jeedaa inta jeer ee tirada asalka ah la isku dhufanayo. 

Tibxaha isu dhigma waa tibxaha u shaqeeya qaab iskumid ah inkasta oo ay u muuqdaan in ay kala duwanyihiin. Haddii laba tibxood ay isu dhigmaan, haddaba labada tibxood waxay leeyihiin qiimo iskumid ah marka la galiyo qiimaha iskumidka ah ee doorsoomaha. Tusaale ahaan, 2x + x + x waxay u dhigantaa 4x

Masaafada lambar uu kasoo bilaabmo eber. Calaamadda “|” ayaa la dhigaa labada dhinac ee tirada si loogu micneeyo qiimaha sugan, sidaa darteed qiimaha sugan ee x waxaa loo qoraa |x|. 

|4| = 4 |-5| = 5

Astaamaha aljebra waxay qeexayaan qaababka kala duwan ee tiro la iskugu keeni karo. Ardayda fasalka 7aad waa in ay u fududaataa adeegsiga astaamaha aljebrada ee isu soocidda, isu aruurinta iyo kala soocidda. 

Hanaanka xisaab-faladu waa xeer noo sheegaya nidaamka aan u xalinno tibxo talaabooyin badan leh. Nidaamka aan raacayno waxaa lagu xasuusan karaa ereyada lasoo gaabiyay ee PEMDAS:

1. Parentheses (Bilo)
2. Exponents (Ku jibaaraneyaasha)
3. Multiplication & Division(Isku dhufasho iyo Isku qaybin) laga bilaabayo bidixda ilaa midigta
4. Addition & Subtraction(Kudar iyo Kajar) laga bilaabayo bidixda ilaa midigta 

Tirada lakabka ah waa tirada lagu muujin karo in uu yahay jajabka laba lambar. Tirada aan lakabka ahayn laguma muujin karo jajab ahaan. Jajab tobanluhu ma ahan tiro lakab ah haddii uusan waligiis dhammaanayn uusanna lahayn qaab soo noqonoqanaya. 

Baraha sallaxu waa sallax simman oo ay sameeyeen isgoyska xariiqa lambar taagan oo loo yaqaan dhidibka-y iyo xariiqa lambarka jiifa ee dhidibka-x. Kuwaani xariiqyada isku qotoma ee iska goynaya eber, bartaanna waxaa loogu yeeraa bar-boilowga. 

Waa xiriir u dhexeeya laba caddad oo kala duwan kaasoo hal caddad uu yahay ma doorsoome kasoo tarmay caddad kale. Tusaale ahaan, quraanjo kasta waxay leedahay 6 lugood, sidaa darteed buulka quraanjada, wadarta tirada luguhu waxay lix jeer ka badan tahay tirada quraanjada. Sidaa darteed, tirada luguhu waxay saamigal ku tahay tirada quraanjada. 


Jumlad soo koobid ah waa hal ama laba jumladood oo soo koobaya fikradda guud ee qoraalka. 

Luuqadda sharraxaada waxay isticmaashaa qaybaha hadalka si ay u noqoto mid xiiso leh, waxtar leh, saamaynna leh. Tusaale ahaan: “Dhogorta eygaygu waxay u madowdahay sidii dhuxushii.” “Waxay dareemaysaa buluug.”“Wuxuu ku dagaalamay awood libaax.” Ardayda fasalka 7aad waa in ay isticmaalaan mowduuca si ay u helaan micnaha luuqadda sharraxaada ayna ogaadaan in ay tani ka duwan tahay micnaha dhabta ah ee ereyada. 

Macluumaadka ku saabsan qof kujira internetka oo ay sabab u tahay hawshiisa onlaynka. Arrintaan waxaa kamid ah baraha bulshada, sawiraanta, iibka onlaynka ah iyo dib u eegisyada, lambar sireedyada, iyo rukumashada, iyo noocyada kale. 

Waa hannaan heer u samayn oo caan ah oo ay adeegsadaan ardayda, macalimiinta, iyo waalidiinta si loo muujiyo laba shay:

1) Heerka wax akhriska ardayga 2) Adaygga qoraalka

Waxaad ka heli kartaa tirada Lexile qaybta danbe ee buugga ama adiga oo ciwaanka ka raadinaya www.lexile.com. Heerarka lexile ee fasalka ku haboon: Fasalka 6-8 heerka 925–1185 

Sheegashada shaqada qof kale ama fikraddiisa in aad adigu leedahay. 

Tani waxay tusaale u tahay hanuuninta

Lorem ipsum odor amet, consectetuer adipiscing elit.

The numeric value of a digit in a number. The value of the digit is based on its position in the number. See the chart below for the number 4,367.082.