Xisaabta
Ardayda fasalka 5-aad
Hagahani waxa uu kaa caawin doonaa in aad fahamto nuxurka ugu muhiimsan (cilmiga & xirfadaha) ee ay tahay in canugaadu ogaado iyo siyaabaha aad ku taageeri karto waxbarashada ubadkaaga inta ay ku jiraan.
Talo: dul rog icons si aad u aragto qeexida ereyada muhiimka ah
Tani waxay tusaale u tahay hanuuninta

Rajada Ardayda
Ardayda fasalka 5aad waxay wakhtigooda inta ugu badan ku bixin doonaan barashada mawduucyada soo socda. Waa in ay si wanaagsan u fahmaan marka la gaaro dhammaadka sannadka.
BARASHADA XISAABTA FASALKA 5AAD
Si fudud isugu dhufashada iyo isu qaybinta tirooyinka leh godadka badan
(6,951 ÷ 63 = 110 1/3 )
Isku daraan kala jaraanna jajab tobanleyaasha iyo jajabka leh hooseeyeyaasha aan iskumidka ahayn
(2 1/4 – 1 1/3 )
In ay gartaan, isku aadiyaan, ayna qoraan jajab tobanleyaasha, jajabyada, tirada dhafan , iyo jajab ma qumaneyaasha
In ay qoraan isle’egyada fudud iyo tibxaha si ay ugu muujiyaan xaalada una helaan jawaabta marka doorsoomaha aan la garanayn
In ay kala ogaadaan in isle’eg la’aanta
1.5 + x < 10 ay sax tahay in x = 2.8
Baraha garaafka ee salaxa barahakulanka

In ay fahmaan mowduuca meeriska, bedka, iyo mugga . In ay samaystaan ayna adeegsadaan qaacidooyinka mid walba
In ay fahmaan in mugga shaxan saddex dhinac leh lagu heli karo tirinta wadarta tirada saddex-jibaaranayaal isku qaab ah oo shaygaas buuxin kara
Jaantuuska hoose wuxuu muujinayaa baraag lagu dabaasho taasoo dhinacyadeeda loo cabiray fiit ahaan. Imisa fiit oo saddex jibaaran oo biyo ah ayaa loo baahan yahay si baraagta loo buuxiyo ilaa ay ka gaarayso meesha ugu sarraysa?

TUSAALOOYINKA XISAABTA FASALKA 5AAD
Sidebar Tooltip
Mulkiile bakhaar ayaa dalbaday 24 baakad oo nacnac ah. Baakad walba waxaa kujiray 72 xabbo oo nacnac ah. Wuxuu qorshaynayaa in uu ka sameeyo baco nacnac ah ayadoo 18 xabbo oo nacnac ah ay kujiraan bac kasta si uu u iibiyo. Imisa bac oo nacnac ah ayuu samayn karaa?
96 bacaha nacnaca
Callan waxaa keegiisii dhalashada uga haray 1/3. Wuxuu doonayaa in ay si siman u wadaagaan asaga iyo 3 wiil oo kale. Imisa ayuu mid kasta oo 4ta wiil kamid ah ka helayaa keeggii dhalashada ee asalka ahaa?
1/12
Shaxda hoose waxa ay muujinaysaa dherarka xayawaanka meerkat oo la cabiray wakhtiyo kala duwan intii lagu jiray 20kii bilood ee noloshiisa ugu horeysay

a. Garaaf ku muuji baraha u taagan xogta shaxda ku qoran
b. Waa maxay baraha kulanka ee u taagan bisha markii ugu horeysay la cabiray meerkat-ka iyo dherarkiisa markii uu weynaaday (dherarka ugu badan)?
b:(14,12)
Jasmine waxay u lugaynaysaa guriga saaxiibteed, kaasoo ujira masaafo gaaraysa 2 ¾ mayl. Waxay waddada kusoo socotay masaafo ⅔ ah. Waa iimisa masaafada, mayl ahaan, Jasmine u hartay in ay sii lugayso?
1 3/8
Waa imisa taranta 9 iyo 740?
6,660
U qor 11 ÷ 5 jajab ahaan kuna muuji xariiqa tirooyinka ee hoose:

11/5
Qor >, =, or <si aad isbarbardhig kasta uga dhigto mid sax ah

a: < b: < c: >
Example Tooltip
Everyday Activities
Qaababka loola hadlo macalimiinta
Xidhiidh adag oo ka dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah hubinta ardayda inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan. Ku lug lahaanshaha waalidku kaliya ma keenayso darajooyin sare iyo buundooyin imtixaan, laakiin sidoo kale waxay ka caawisaa ardayda inay yeeshaan kalsooni, dhiirigelin, iyo xirfado bulsho. Ogaanshaha su’aalaha la waydiinayo booqashooyinka dugsiga iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho ee ilmahaaga.
