Ku Saabsan Great MN Schools
Canug kasta waxa uu mudan yahay fursad siman oo mustaqbal ifaya leh, laga bilaabo helitaanka dugsi daboola baahidiisa. Gudaha Minneapolis, sinnaan la’aanta taariikhiga iyo nidaamiga ah ayaa arday badan ka dhigtay in ay waayaan fursadan muhiimka ah.
Great MN Schools ayaa ka shaqeynaya xaqiijinta in canug kasta uu helo fursad uu ku helo waxbarasho u oggolaata in uu wax barto, koro, oo uu kobco.

Himiladeena & Waxa Aan Qabanno
Hadafkeenu waxa uu yahay in aan saddex jibbaarno tirada ardayda Minneapolis ee dhigata dugsiyo wanaagsan oo loo siman yahay marka la gaaro 2030.
Waxaan ka shaqaynaynaa sidii taas loo gaari lahaa anagoo si toos ah ula shaqaynayna iskuulada si aan uga gacan siino inay horumaraan, annaga oo la shuraakoobayna ururada bulshada si loo bixiyo agab ka caawiya waalidiinta in ay si qoto dheer ugu lug yeeshaan waxbarashada ubadkooda, iyo horumarinta xalal wax ku ool ah oo abuuraya jawi dugsiyo wanaagsan oo badan ay ku horumaraan.

Dhisidda iskaashiga bulshada si gacan looga geysto in la gaaro dhammaan qoysaska

Dhisidda nidaam deegaan oo taageera dugsiyo wanaagsan