Waa maxay Heerarka Tacliinta MN maxayse muhiim u yihiin?
Waaxda Waxbarashada Minnesota waxay go’aamisaa waxa canug kasta uu ku baran doono dugsiga maadooyinka oo dhan. Tani waxa ay gacan ka geysaneysaa in iskuulada lagula xisaabtamo bixinta cashar iyo waxbarasho tayo sare leh oo la siiyo ardayda oo dhan si markaa loogu diyaariyo mustaqbal guul leh.
Great MN Schools ayaa kheyraadkan ugu talagalay in qoysaska looga caawiyo in faham si fudud lagu heli karo ay ka helaan filashooyinka heerka fasalka si ay u taageeraan waxbarashada ubadkooda.


Canugeygu waxa uu haystaa darajooyin wanaagsan.
Taasi miyaa ay ka dhigan tahay in uu ku socdo wadadi la rabay?
92%
oo ka mid ah waalidiinta waxa ay u maleeyaan in canugoodu ku jiro heerka fasalka.
Aragtida waalidiinta ee ku aadan waxqabadka ardayga waxa ay inta badan ku salaysan tahay kaararka warbixinta.
48%
oo ka mid ah ilmaha waxa ay dhabtii ku jiraan heerka fasalka
Kaararka warbixinta waxa aysan waafaqsanayn cabbirada kale, sida imtixaanaadka jaangoynta.
Sidee ayaan u caawiyaa ardaygeyga ku dhibtoonaya ?
Sidee ayay ardaydu u bartaan wax akhrinta?
Dadku waxay u malayn jireen inay carruurtu ku bartaan sida wax loo akhriyo kaliya un inay buugaag ag joogaan, sida ay hadalka ku bartaan. Laakiin taasi run ma aha. Akhrisku waa wax ay tahay in la baro. Taasi waxay la macno tahay in aan u baahanahay in nala baro sida:
1. Erayada ku yaala bogga loogu beddelo erayada aynu ka maqalno madaxeena (Aqoonsiga Erayga)
2. Loo fahmo waxa aynu hadda akhrinay (Fahamka Luuqadda)

Qaababka loola hadlo macalimiinta
Xidhiidh adag oo ka dhexeeya qoysaska iyo macalimiinta ayaa fure u ah hubinta ardayda inay helaan waxay u baahan yihiin si ay u guulaystaan. Ku lug lahaanshaha waalidku kaliya ma keenayso darajooyin sare iyo buundooyin imtixaan, laakiin sidoo kale waxay ka caawisaa ardayda inay yeeshaan kalsooni, dhiirigelin, iyo xirfado bulsho. Ogaanshaha su’aalaha la waydiinayo booqashooyinka dugsiga iyo shirarka waalidka iyo macalimiinta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento kalsooni marka ay timaado wax ka qabashada baahiyaha waxbarasho ee ilmahaaga.
